Fariimo hanjabaado been abuur ah oo khasaare ku keenay diyaaradaha Hindiya

0
83

Shirkadaha Diyaaradaha iyo Garoomada Diyaaradaha ee Hindiya ayaa helay 999 hanjabaado bam ah oo been abuur ah sanadkan kaas oo ay ugu danbaysay 14-kii Nofembar, wasiir ku xigeenka duulista hawada ee dalka ayaa u sheegay baarlamaanka dalkaasi.

Tani waxay ku dhowaad ​​10 jeer ka badan tahay hanjabaadihii la helay sanadkii 2023, ayuu yidhi Mr Murlidhar Mohol.

In ka badan 500 oo hanjabaadood oo sanadka ah ayaa dhacay kaliya labadii toddobaad ee u dambeeyay ee bishii Oktoobar.

Hanjabaadaha beenta ah ee soo batay ayaa khal-khal ku keenay jadwalada duulimaadyada, taas oo keentay khalkhal baahsan oo adeegyada ah.

Hanjabadihii dhowaa waxay ahaayeen kuwo been abuur ah, ayuu yidhi Mr Mohol, iyada oo “aan jirin khatar dhab ah oo lagu arkay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ama diyaarada Hindiya”. Hanjabaadaha ayaa ahaa fariimo la soo diro oo lagu sheego in Diyaarad Hebla oo u socota halkaa uu Bam saaran yahay.

Booliska ayaa diiwaan geliyay 256 kiis oo fariimahan ah, waxaana loo xidhay 12 qof oo lala xidhiidhinayo hanjabaadahaas, ayuu yidhi wasiirku.

Laakiin kiisasku waxay muujinayaan korodh aan hore loo arag oo been abuur ah.

Intii u dhaxaysay 2014 iyo 2017, mas’uuliyiintu waxay diiwaangeliyeen kaliya 120 digniino been abuur ah oo ka dhacay garoomada diyaaradaha, iyada oo ku dhowaad ​​kala badh lala beegsaday Delhi iyo Mumbai, oo ah garoomada diyaaradaha ee ugu weyn dalka.

Hanjabaadaha been abuurka ah ee bishii Oktoobar ayaa dib u dhigay duulimaadyo dhowr ah halka kuwa kalena la leexiyay.

Hanjabaadaha been abuurka ah ee ka dhanka ah duullimaadyada u socda waddamada kale ayaa sidoo kale horseeday in hay’adaha caalamiga ahi ay ku lug yeeshaan.

Bishii Oktoobar, Ciidanka Cirka ee Singapore ayaa u diray laba diyaaradood oo dagaal si ay u galbiyaan diyaaradda Air India Express ka dib lagu sheegay hanjabaad bam.

Isla bishaas, diyaarad kale oo Air India ah oo ka soo duushay New Delhi kuna socotay Chicago ayaa lagu qasbay inay ku degto garoon ka durugsan Kanada.

Rakaabkii la socday diyaaradda ayaa markii dambe loogu duuliyay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka diyaarad ay leeyihiin ciidamada Cirka oo ay ku deeqeen mas’uuliyiinta Canada.

Wasaaradda duulista rayidka ee Hindiya ayaa markaa sheegtay inay samaynayso “dadaal kasta oo suurtagal ah” si loo ilaaliyo hawlaha duulimaadka.

Garoomada dayuuradaha ee Hindiya waxay leeyihiin guddiga qiimaynta khatarta bambaanooyinka kuwaas oo qiimeeya culayska khatarta ah oo qaadaya tallaabo ku habboon. Khatartam waxay horseeday ku lug lahaanshaha kooxda bambooyinka, Eyda wax urisa, ambalaasyada, booliiska iyo dhakhaatiirta.

Sidaas oo kale Rakaabka ayaa laga soo dejinayey diyaaradda iyada oo la baadhayo wax kasta oo dadku sitaan  ilaa xamuul, marka intaa la dhameeyana Kooxaha Injineerada iyo kuwa amaanka ayaa sidoo kale dib u baadhaya diyaaradda ka hor inta aan loo cadeyn in ay mar kale duuleyso.

Dib u dhaca ka dhasha waxa uu ku kici karaa kumannaan doollar oo khasaare ah oo soo gaadha shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha ammaanka.

In ka badan 150 milyan oo rakaab ah ayaa dalka Hindiya gudihiisa u kala duulay sannadkii hore, sida ay sheegtay wasaaradda duulista.

In ka badan 3,000 oo duullimaad ayaa maalin kasta dalka yimaada kana dhoofa, kuwaas oo isticmaala in ka badan 150 garoon diyaaradeed oo ay ku jiraan 33 garoon diyaaradeed oo caalami ah.