Muslimiinta oo loogu baaqay inay ka Qayb-qaataan dhismaha Machadka Diiniga ah ee degaanka Abdaal

0
59

Abdaal (Dawan) Guddida gacanta ku haysa dhismaha Machadka Ibnu Baas ee culuunta shareecada ee magaalada Abdaal, ayaa bulshada Muslimiinta ah ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dhameystirka Machadkani.

Sidoo kale waxa ay sheegeen Machadkan loogu talo galay inuu ahaado, sideed fasal, afar suuli iyo hal xafiis, waxaaney xuseen in sidoo kale masaajidku isna u baahan xaal-xaal, iyo ceel-biyood la doonayo in laga waraabiyo machadka, waxa ay cod dheer ku sheegeen in kharashka ku baxaya Machadkani uu yahay laba iyo sideetan kun sideed boqol iyo laba iyo konton dollar, haddaba waxa ay bulshada Muslimiinta ugu baaqeen in laga wada qayb qaato.

Geesta kale waxa ay tilmaameen haddii uu guuleysto dhismaha Machadkani in laga baaqsan doono, isla markaana uu dabooli doono baahidii barashada Shareecada Diinta Islaamka ee degaano kale loo doonan jiray, waxa ay bulshada ugu baaqeen in siwada jira looga wada qayb qaato.

Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi (Cabdilaahi Barbaraawi) ayaa sheegay in qof Jano doonaya ama waalidkii u samafalaya uu bixin karo kharashaadka u uku baxayo dhismaha Machadkani, waxaanu bulshada ka codsaday in qofkasta wixii uu ku darsan karo uu ku darsado, waxaanu xusay inay sadaqo u tahay cidkasta oo wax la baxda.

Waxaanu yidhi.“Machadkani maaha mid ciddi sigaara u leedahay, cidkasta oo wax ku darsada haddii uu uniyoodo waxa uu u ku darsaday waa u sadaqo, inta uu shaqeynayo, ajarkiisuna wuu u  socon doona.

Machadkani bulshada degmada Abdaal ayaa yeel doonta, bulshaduna dhinac walba way kaga iman doonta, waxaana gacanta ku hayn doona guddida Machadkani, qof jano doonaya ama waalidkii u samafalaya ayaa bixin kara qadarka lacageed ee la inoo sheegay, waxa isugu tegi kara 8 qof oo bixiya min 10-kun oo dollar, haddii la sii balaadhiyana 80 oo qof oo bixiya min kun dollar ayaa bixin kara waxa lagaga qayb qaadan kara qalabka dhismaha oo qofba wax bixiyo”

“Machadkan dhismihiisa waxa lagu qiimeeyay laba iyo sideetan kun sideed boqol iyo laba iyo konton dollar, in u uku kacayo machadkan dhismihiisu, marka saddex kun ayaanu ku bilowney ee halaga wada qayb qaato hawshani khayriga ah”Ayuu yidhi mid ka mid ah guddida gacanta ku haysa dhismaha Machadkani.