“Siyaasadani waxay xoogga saaraysaa laba meelood la qabsiga saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda iyo in la yareeyo dhibaatooyinka ka imanaya isbedelka cimiladda…”

0
118

 

Hiigsiga guud ee siyaasadda qaranka ee isbedelka cimiladu, waa xaqiijinta in muwaadiniinta reer Somaliland ay adkaysi xoogan u yeeshaan saamaynta dhibaatadda isbedelka cimiladda. Iskana caabiyaan raadadka uu isbedelka cimiladu ku leeyahay xaaladaheena bulsho, iyo dhaqaale.

Waxa kaloo ka mid ah u jeedooyinka gaarka ah ee laga leeyahay siyaasadani in la yareeyo nug-laanshaha dhibaatadda ka dhalatay saamaynta isbedelka cimiladda, iyo xoojinta hababka ka soo Doogista ee qaybaha bulshadda ee u nugul, hab-dhiska deegaanka dabiiciga ah, iyo kor u qaadista xeerka u diyaar garowga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo maarayntoodda.

Sidaasi waxaa lagu sheegay siyaasada qaranka Somaliland ee isbedelka cimiladda iyo la qabsiga dhibaatooyinka ka dhashay saamaynta cimilada isbedeshay.

Waxaanay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland qabatay shir weyne lagu falan qaynayay siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladda.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE waxaynua ku soo qaadan doonaa shirkaasi la xidhiidhay xaqiijinta siyaasadda isbedelka cimiladda.

Wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa shalay magaaladda Hargaysa ku qabatay shir lagu daah-furayay faafinta Siyaasada Qaran ee Isbedelka Cimilada Somaliland.

Sida ay dhigayso Digreetadii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ee soo baxday 7-dii bishii November ee 2023-ka, taasoo u jeedadeedu ahayd faafinta Siyaasada Qaranka ee Isbedelka Cimilada JSL, taasoo ay hore u ansixiyeen golaha wasiirradda Somaliland, iyo goleyaasha sharci dejinta, isla markaana uu saxeexay madaxweynuhu.

Sababta ka danbaysa siyaasadda qaran ee  isbedelka cimiladda Somaliland waxay tahay in iyadoo  laga duulayo dastuurka qaranka gaar ahaana qodobka 58-naad, iyo xeerarka kale ee la xidhiidha arrimaha deegaanka ee ay goleyaasha sharci dejinta Somaliland ansixiyeen, waxay hagayaan ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.

Waxaa kaloo intaa dheer, si loo xaqiijiyo masuuliyadda dawladda ka saaran horumarinta bulshadda ka saaran deegaan, iyo dhaqaale, ee waafaqsan hiigsigeenna qaran ee 2030-ka, ee qorshaha horumarka qaranka ee saddexaad.

Waxay ka mid yihiin siyaasadaha ugu muhiimsan ee laga dheehan karro, sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay ilaalinta deegaanka, horumarinta dhaqaalaha, iyo bulshadda, sida uu daah-furka shirkaasi ka sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale.

Madashii lagu daah-furayay faafinta Siyaasadda Qaranka ee isbedelka cimiladda, waxaa ka soo qayb galay wasiirrada wasaarradaha Beeraha, Biyaha, Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha, agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta qaranka.

Madax ka socotay haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee  ka shaqeeya arrimaha deegaanka, Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland, masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil, saraakiil ka kala socday safaaradda Taiwan, ee Hargaysa, iyo xafiiska dawladda UK ee magaaladda Hargaysa, Arday ka socotay jaamacadaha dalka, iyo dhalinyaradda u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka.

Maxay tahay u jeedadda guud ee siyaasadda qaran ee isbedelka cimiladda Somaliland, waxaa arrintaa sharaxaya agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkaasi.

Waxaanu yidhi “Hiigsiga guud ee siyaasadda qaranka ee isbedelka cimiladu, waa xaqiijinta in muwaadiniinta reer Somaliland ay adkaysi xoogan u yeeshaan, saamaynta dhibaatadda isbedelka cimiladda, iskana caabiyaan raadadka uu isbedelka cimiladu ku leeyahay xaaladaheena bulsho, iyo dhaqaale.

Waxa kaloo ka mid ah u jeedooyinka gaarka ah ee laga leeyahay siyaasad…

Wll.ma war baa mis eaa barnamijkii

Sawirkaan ku gartay waa barnamijkii

waa bavramijki sxb