Hargeysa (Dawan): Aqoonyahan Jaamac Ibraahim Cawad oo ah gudoomiyihii hore ee Naafada Qaranka Somaliland, haddana-u-dhaq-dhaqaaqa xuquuqda dadka naafada ah isla markaana Xubin ka ah Xisbi Xaakimka WADDANI ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) inuu fuliyo qoddobadii sababay inay dadka Naafada ahi u codeeyaan Xisbiga WADDANI,kuwaas oo qayb ka ahaa Barnaamijkii Ololaha ee Xisbiga Waddani ee aanu anaguna dhinacayaga ka wadney Naafo ahaan, adiguna aad musharax ahaan aad fagaareyaal badan ka balan-qaaday.
Waraaq-Furan uu soo saaray Jaamac Ibraahim Cawad maanta oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhsiiyey xafiiska Shabakada Wararka ee wargeyska Dawan,ayaa waxa uu fariin u diray madaxweynaha lixaad ee Somaliland Cabdiraxmaan-CIRRO, isagoo ugu baaqay inuu fuliyo,isla markaana u arkay inay Qoddobadani ay dan u yihiin naafada maanta iyo tan berri-ba. kuwaas oo kala ah sidan;
Qoddobka 1aad:
A). Inuu Madaxweynuhu labada masuul ee Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee uu u magacaabi doono Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ah tan ay sida tooska ah u hoos yimaadaan dadka naafada ahi waqtigan xaadirka ah uu u magacaabo midkood qof naafo ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo u leh arrimaha dadka naafada. si uu masuulkaas Naafada ahi uu noogu hirgeliyo “Xeerka qabyo qoraalka ah ee ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah” ayuu yidhi, Jaamac Cawad,
Waxaana uu tilmaamay in xeerkaasi yahay mid dhigaya in naloo sameeyo Hay’ad gaar ah taas oo magaceedu yahay guddida ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah (National Disability Commission). Hay’adaas oo noqon doonta tan qarankan u qaabilsanaan doonta dhammaan Arimaha khuseeya Dadka Naafada ah.
Waxa kale oo uu sheegay in Gudidaas ay ka koobnaan doonto xuno ka wakiil ah dhammaan noocyada kala duwan ee ay ka kooban yihiin Dadka Naafada ahi sida uu qeexi doono xeerka qabyo-qoraalka ee ilaalinta Xuquuqda dadka Naafada ahi.
Qodobka 2aad
B). Inuu Madaxweynuhu qof aqoon iyo waaya-aragnimo weyn u leh uu noogu Magacaabo inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Naafada. Booskan oo haatan bannaan,kadib markii uu dhowaan geeriyoodey masuulkii Naafadaa ahaa ee xilkaas hayey.
Ugu dambayntii wuxuu ku soo gebagebeeyey inuu rajeynayo inuu Madaxweynuhu arrimahaas aan u soo jeediney uu wax ka qaban-doono.
Fiiro Gaar ah:
Cid kasta oo u baahata faah-faahin ama su’aalo ka qabta arrimahaas ha kala xidhiidhaan.Aqoon yahan Jaamac Ibraahim Cawed,Tell.+252-634470179.