Muhiimadda ay Leedahay in aynu Dhibaatadda ka Ilaashano Deegaanka

0
73

Ilaalinta iyo daryeelka deegaanka waa arrin muhiimadeedda leh, taasoo lagama maar maan u ah nolosha iyo jiritaanka bulsho iyo sidoo kale dhamaanba nooleyaasha kale ee dhulka guudkiisa ku dul nool, kuwaasoo siyaabo kala duwan ugu tiirsan deegaanka.

Marka laga hadlayo deegaanka iyo muhiimadiisa waa mid dhinacyo kala gedisan ka taabanaysa dhamaanba jiritaanka noolaha kala duwan ee aynu ka mid ka nahay, taasoo haddii aan la daryeelin waxyeelo u gaysanaysa jiritaankeena.

Muhiimadda ay leedahay in la ilaashado deegaanka haddii laga gaabiyo ama aan masuuliyad la iska saarin waxay noqonaysaa in deegaankeena khasaare weyn laga dhaxlayo haddii la ilaashan waayo, isla markaana ay halis gelayso jiritaanka nolosheenu.

Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u dar dar gelisay hawlaha ilaalinta iyo daryeelka deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa wx kastoo dhibaato ama khatar ku ah deegaanka.

Dhamaanba waxyaabaha dhibaatooyinka ah ee ka dhashay isbedelka cimiladda ee adduunka ka socda ayaa la tilmaamaa in ay sidoo kalena isla dalkeenan jamhuuriyadda Somaliland ay ka socdaan, iyadoona aynu dal ahaan uga nugul nahay caalamka kale marka la inoo bar-bar dhigo.

Waxyaabaha muujinaya in ay dalkeena saamayn xun ku yeelatay dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka aafaysay waxaa ka mid ah abaaraha soo noq noqday ee dalkeena ka dhaca waayadan danbe.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka hadashay muhiimadda deegaanku leeyahay ayaa bulshadda ugu baaqday in ay ilaashadaan deegaankoodda.

Wasiirku waxay sheegtay in haddii aynaan daryeelin deegaankeena in aynu khasaare weyn gelayno, isla markaana aanay jirin meel kale oo aynu tegayno ama aynaan deegaankeena ilaashan, iyadoona ay muhiim tahay in ay bulshadeenu masuuliyad weyn iska saaraan dhamaantoodba.

Marwo Shukri Baandare, waxaay intaasi ku dartay in nolosheena oo dhani ay ku xidhan tahay ilaalinta Deegaankeena iyo ka war-qabkiisa, sidoo kale waxay sheegtay in khasaare weyn laga dhaxlayo haddii la ilaashan waayo Deegaanka.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa xustayin abaaraha badan ee soo noq noqda ay saamayn ba’an ku yeesheen Deegaankeena, loona baahan yahay in loo istaago sidii looga shaqayn lahaa, loona daryeeli lahaa.

Waxaanay tidhi “Waxaad arkaysaan ee maanta adduunyada ka socda in ka daran baa inaga ina heshay, waxaa saamaynta inagu yeeshaa waa abaaraha soo noq-noqonaya.

Haddii aynaan daryeelin deegaankeena innaga ayaa khasaare ku jirna, khasaare wayn baynu ku jirnaa, meelna tagi mayno’e waynu baabi’i hadii aynu iska kharibno oo sidaa u uku socdo kusii socdo, Ilaalinta deegaanku waa ilaalinta nafteena.”

Geesta kale qaybta labaad ee qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo isbedel Cimilada gobalka Saaxil Axmed Jaamac Cali, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu ahaa isuduwaha.

Waxyaabaha u qabsoomay ee sida weyn uga muuqda gobolka Saaxil, gaar ahaana magaaladda Berbera, ayuu isku-duwuhu sheegay in ay si weyn uga qayb qaateen dhirayraynta magaaladda Berbera, iyo sidii ay u ilaaliyeen duurjoogta guud ahaan ku nool  gobolka Saaxil.

Isuduwaha ayaa sheegay in isagoo raacaya xeerarka iyo siyaasada  wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada in ay sanadkii soo saaraan 25 kun oo geedi oo kala duwan si ay uga hortagaan xaalufinta iyo nabaad guurka ee deegaanka gobolka Saaxil.

Waxa kale oo isuduwuhu intaasi ku daray in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaalin lahaayeen dhul daaqsimeedka gobolka saaxil, geesta kale waxa uu tilmaamay in dad sifo sharcidaro ah oo u ootay dhul daaqsimeed ay maxkamada la tiigsadeen wakhti xaadirkana kiiskaasi uu maxkamada yaal.

Waxa uu xusay in saddexdii biloodba deegaan ay ka fuliyaan howlgal gaasi oo looga hortagilahaa xaalufinta dhulka gaar ahaan dadka dhirta Jara si ay dhuxul uga sameeyaan.

Isku-duwuhu waxa kaloo uu ka hadlay doorka ay ka qaateen ilaantinta duurjoogta ayaa waxa uu sheegay in marka wakhtiyadii hore loo eego wakhtigan la taagan yahay duurjoogta gobolka saaxil ay aad u nabad gashay isla markaasina waan wax dhiba lagu hayn.

Maxaa sabab u ah Dabar’goynta dhirta

Haddaba arrintan waxa sabbab u ah hooseynta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan muhiimadda degaanka, dhir’jarista, nabaad’guurka carrada, iyo isbeddelka cimilada iyo abaaraha.

Dhirtu sannadba sannadka ka danbeeyay si weyn ayay u dabar go’aysa, mar kasta geed ayaa la jara, kuwo tiro yar ayaa la beera, isla markaana dhulka oo oomane ah ayaa sannadkasta hektaro kala duwan laga dhigan kuwo aanay waxba ka bixin.

Qaybihii kala duwan ee dhirta berriga ka baxasay  ayaa noqday kuwo looga faa’ideysto ka ganacsiga dhuxusha.

Gubista dhuxushu waxa ay soo dedejisa lama degaanimo, waxa ay hoos  u dhigta baaxada dhulka loo adeegsan karro beeraha iyo daaqa, taas oo marka danbe sababta in dadku ka hayaamaan, marka uu dhulku noqdo mid aan degaanka ku wanaagsaneyn.

Bulsho weynta oo kaliya wacyigoodu ma hooseeyo’e waxa xataa uu hooseeya kuwa gaadha go’aamada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.

Sidaasi darteed waxa si weyn loogu baahan yahay in wax laga qabto arrintan, iyada oo la yareynayo ku tiirsanaanta dhuxusha oo ah waxa ugu weyn ee sababa dhir’jarista.

Waxa kale oo arrintan wax lagaga qaban karaa iyada oo la badiyo noocyada tamarta iyo in la isticmaalo ilo kale oo tamar laga heli karro.

Gaaska dareeraha laga dhigey ee wax lagu karsado, ayaa si talaabo talaabo ah hadda loo baranaya, inkasta oo qoysaska badidooda uu qaali ku yahay girgirayaasha dhuxusha madhxiya.