Qore: Khadar M.Xaashi
Hargaysa (Dawan) Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay booqasho, Salaan iyo Duco ugu yimid madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal (Cirro ).
Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa madaxweynaha la doortey ugu horeyn alleh SWT uga baryey inuu xilka loo doortey u fudeydiyo , waxaana uu siiyey talooyin la xidhiidha hogaaminta dalka iyo sidoo kale isku haynta bulshada oo ah waxyaabaha ay Somaliland dheertay dalalka kale ee dariska la ah.
Sidoo kale madaxwaynihii sadexaad ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa uga waramay madaxwaynaha la doortay ku kordhiyay khibradii iyo waayo’aragnimadii uu dalkas ku soo maamulayay wakhtigii uu xilka hayay.
Madaxweyne Riyaale iyo Marwadiisa ayaa dhawaan dalka u yimid sidii uu uga qeyb geli lahaa caleemo saarka iyo dhaarta madaxweynaha la doortey ee Somaliland iyo xil wareejinta madaxwaynaha xilka ka sii dagaya.
Kulanka waxaa ku wehelinaayey madaxweynaha la doortey madaxweyne ku xigeenka la doortey AMB Maxamed Cali Aw Cabdi .
Gebo’gabadii madaxwaynaha la doortay ee Somaliland ayaa mudooyinkii u danbeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culimada, Aqoonyahanka, Salaadiinta, Ganacsatada kuwaasi oo uu ka qaadanayay wixii ay talo hayaan ee dalka lagu horumarinayo.