Suldan Najma Diin Ayuubi wuxuu ahaa aabaha Saalaxa Diin Al-Ayuubi oo ahaa hogaamiyihii muslimiinta ee Qudus xoreeyay. Maalin isagoo dhalinyaro la ciyaaraya Saalaxa Diin ayuu u yeedhay waxaana uu ku yidhi inta uu gacanta qabtay โ Umaan guursan hooyada inaad caruurta la ciyaarto, waxaan u guursaaday inay dhasho wiil Qudus xoreeyaโ.
ย
Ka dib dhulka ayuu ku tuuray markaasi ayuu dhacay Saalax Diin. Aabihii ayaa ku yidhi โ Miyaanad xanuunsan markaan dhulka kugu tuuray?โ. Waxaana uu ku jawaabay mayee waan xanuunsadayโ. Aabihii ayuu ku yidhi โ Oo hadda maxaad u qaylin weyday oo u muujin weyday xanuunka?โ.
Waxaana uu ku jawaabay Saalaxa diin โ Qofka laga rabo inuu xoreeyo Qudud maaha waxaan dhib badan lahayn inuu ka qayliyoโ. Maalintaasi ayuu niyaddda geliyay inuu xoreeya Qudus, markii aabihii hamigaasi ku dhaliyay. Ilmahaaga hami weyn ku abuur.
(Kitaabka Rawaaโic Mina Taariikhul ย Islaam )