• Afara arimood yartaantood ayaa ku dhibta, xanuunka, Fakhriga, Cadowga iyo dabka.
• Ha degin meel aan dhakhtar ama caalim aqoon iyo cilmi ku baraa joogin.
• Qofka ku weydiista waxaanad awoodin, wuxu ka rabaa waa maya.
• Mar kasta xusuusnow geerida, Noloshaadu way guulaysane. Wanaag same, isaga ayaa dhibaatooyinka gaashaan kaaga noqon.
• Ku Mahad wanaaga Allah (sw) ayaa kuu kordhin. Ku sabir dhibaatada Allah (sw) ayaa kaa dulqaadiye.
• Biyaha milixda ah ee badda samada ayay ku uumi baxaan waxayna noqdaan daruuro , haddana dhulka ayay ku soo noqdaan iyagoo roob biyo macaan ah.
• Qalbigaaga ku xidh samada, ka dibna eeg sida uu kuugu soo noqdo”. Ibunu Qayim Aljawsi.