Darbi rinji leh oo ka baxsan Isbitaalka Mustaxed ee Dimishiq ayaa waxaa ku yaalla sawirrada wejiyada dadkii dhintay. Dad badan oo is-bedbedelaya ayaa baadha liiska, iyaga oo qorraxda jiilaalka taagan, waxaana ka muuqda murugo.
Marka laga tago liisaska waxa cisbitaalka yaala meydadka dad laga keenay badhtamaha magaalada iyo duleedka Dimishiq. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in dadka dhintay ay dhamaantood ahaayeen maxaabiis.
Dumar ka kooban xaasas, walaalo iyo aabbayaal ayaa yimi cusbitaalka si ay xog u helaan. Waxa ay rajeynayaan in ay helaan meydkoodii oo ay aasaan.
Waxay u soo dhawaadaan sida ugu macquulsan sawirada iyaga oo si adag u eegaya wejiyada si ay u aqoonsadaan.
Waa shaqo arxan darro ah. Qaar ka mid ah raggan ayaa dhintay toddobaadyo.
Laga soo bilaabo darbiga sawirada, qaraabadu waxay sii socdaan qolka meydka.
Cisbitaalka Mustaxed ayaa la geeyay 35 meyd ah, waxaana buuxsamay qolka meydadka waxa sidoo kale buux dhaafiyey waxyaabihii lagu siday meydadka.
Meydadka qaar ayaa la soo bandhigay wixii ay calaamado lahaayeen, waxa baadhay dhakhaatiirta.
Meydadka oo dhan waxay lahaayeen nabaro. Dhakhaatiirta baadhayay ayaa sheegay in ay ka heleen calaamado garaac ah oo ay ka mid yihiin nabaro aad u daran iyo jajabyo badan.
Qoyska Bashaar Al-Asad waxa ay Suuriya ula dhaqmeen sidii hanti iyaga u gaar ah, iyaga oo is hodminaya, isla markaana ka iibsanaya kalsoonida taageerayaashooda, iyaga oo qarashka ka bixinaya dadka Suuriyaanka ah oo xabsiga lagu tuuri karo ama la dili karo haddii ay safka ka baxaan, ama xitaa haddii aysan sidaas yeelin.
Dagaalyahan la yidhaahdo Axmed oo hubka u qaatay taliska 2011, ayaa ka mid ahaa fallaagadii Dimishiq soo galay, saddexdii walaalihiis ah ayaa ku noolaa Dimishiq. Axmed waxa uu yidhi “Dadku waxay ku noolaayeen cadaab, isaguna wuxuu joogay qasrigiisa,” .
“Ma uu danaynaynin waxay ku sugan yihiin. Wuxuu ka dhigay inay ku noolaadaan baqdin, gaajo iyo ceeb. Xataa markaan Dimishiq soo galnay dadku waxay noo sheekayn in ay weli way baqayaan.”
Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya (SNHR) ayaa diiwaangelinaysay kumannaanka qof ee sida sharci-darrada ah loo xidhay, kuwo si khasab ah lagu waayey iyo dadka lagu jidh dilay intii lagu jiray xukunka Asad tan iyo sannadkii nabad gelyada ee dawladda lagaga soo horjeeday kuwaas oo isu beddelay dagaal sokeeye.
Marka loo eego tirooyinka SNHR, ugu yaraan 231,000 oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalka, iyada oo 202,000 ay ku dhinteen dagaalka, inta soo hadhayna ay geysteen kooxo hubeysan oo kala duwan. SNHR ayaa sheegtay in dadka uu dilay talisku ay ku jiraan 23,000 oo caruur ah iyo 22,000 oo haween ah iyo sidoo kale 15,000 jidh dilay ku dhintay. Kooxda ayaa sidoo kale diiwaangelisay in ka badan 96,000 oo qof oo si qasab ah lagu waayay iyo ilaa 40,000 oo maxaabiis ah.
Agaasimaha SNHR Fadel Abdul Ghany ayaa VOA u sheegay in kooxdiisu ay si joogto ah ula socotay cidda laga sii daayay xabsiga tan iyo markii uu burburay taliska Asad Axaddii.
“Marka, ku dhawaad 31,000 ayaa laga sii daayay xidhitaannada aan sharciga ahayn ama waayitaan qasabka ah,” iyada oo wadarta guud ee maqan ay ahayd 136,000 oo qof. Marka laga jaro 31,000 waxay tiradu tilmaamaysaa ilaa 105,000 oo qof oo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin.