Aqoonta , Daacadda Iyo ShaqadaWanaagsan!

0
61

Markii uu wiilka yari galay xarun laga suuqaysto, telefoonka la dhigay goobaha sharaaca ah ayuu qaatay , ka dibna wuxu la hadlay gabadh isagoo ka codsaday inay siiso shaqada ah in uu gurigeeda dhirta ka hagaajiyo. Laakiin gabadha ayaa ugu jawaabtay ย โ€œ maya, waxa ii sheqeeya nin ka adag shaqadiisa oo aan raali ka ahay โ€.

Wiilka yara ayaa ku celiyay anigu waxaan kuugu shaqaynayaa kala badha lacagtii uu kuugu sheqeeyo, weliba waxaan raacinayaa inaan nadiifiyo goobaha lugta lagu maro. Beertaadana waxay noqon doontaa tan ugu qurux badan Californiya.

Haddana gabadha ayaa mar kale ugu jawaabatay โ€œBeertayda tan ugu wanaagsan waxa ka dhigi kara shaqaale aanu raali kala nahayโ€. Wiilka yar ayaa dhool cadeeyay oo dhigay telafoonka. Nin dhegaysanaya wiilka yar hamigiisa ayaa ku yidhi โ€œ Aniga ayaa shaqo ka siinaya dukaankaygaโ€.

Laakiin Wiilka yar ayaa ugu jawaabaya โ€œ Maya, mahadsanid, waxan doonayaa shaqo aan aqaano inaan qabto, qof wanaagsan oo aan aqaana u qabtoโ€. Daacadnimada shaqadu waa inaad raadsato shaqo aad taqaan.ย  Qofka fiican ayay shaqadiisuna wanaagsan tahay. ย Xikmaduna maaha xaasidnimo iyo in qof kale shaqo laga qaadayo laakiin waa in qof kasta niyadda ku hayaa inu si daacad ah u qabto shaqada uu yaqaano.