Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan):- Wasiirka cusub ee wasaarada Arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Aadan Daahir Bakaal, oo ka mid ahaa wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka warbixiyay masuuliyada culus ee loo igmaday, waxaanu tilmaamay in xilkaasi la saaray uu u gudan doono sida ugu wanaagsan oo uu noqon doono masuul ka soo dhalaala shaqadiisa.
Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray, in maadaama wasaaradda loo magaacabay ay tahay wasaarad aad u ballaadhan, isla markaana qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladnimadana ahmiyad wayn u leh, waxa uu shacabka reer Somaliland ka codsaday inay ugu soo duceeyaan masuuliyada iyo xilkaas loo magacaabay.
Wasiirku sidoo kale, waxa uu xusay in doonistiisa iyo iraadadiisa aanay ku iman magacaabista wasiirka wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalqmiga ah, balse madaxwayne Cabdiraxmaan Cro ugu soo magaacabay aqoontiisa, isla markaana madaxwaynuhu u arkay in uu yahay shaqsiga wasaaradaas qaban kara.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi. “Waxaan rajaynayaa wasaaradda culayskeedu uu intaas leeg yahay ee uu madaxwaynuhu u arkay in aan gudan karo, in aan noqdo kii guta waajibaadkaas, qarankana in loo shaqeeyo ayuu u baahan yahay, qof kastaana meesha uu wax ka qaban karayo in uu ka qabto, dadaalna galiyo ayaa loo baahan yahay.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyay “Aniga waxa farxad ii ah in qarankayga Somaliland aan kaalintaas wasaarada arrimaha dibada u buuxiyo, waxna ka qabto, dadaalkayga iyo awoodayda-na aan galiyo. Madaxwaynaha JSL waan u mahad celinayaa, shacabka reer Somaliland-na waxaan ka codsanayaa in ay iigu soo duceeyaan in alle igu asturo. Alle waxaan ka rajaynayaa in uu igu asturo anna dadaal keeda waan la imaanayaa”.