Qore: C/wahaab Daahir Xasan
Gabilay (Dawan):- Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cabdi Cumar ayaa shalay heshiis muhiim ah kula saxeexday Hay’adda Mareykanka ah ee IHS kaas oo diiradda saaraya dib u dhiska garoonkii hore ee kubadda cagta Gabiley iyo ballaadhinta Dugsiga Hoose ee Caro-Malko.
Heshiiskan ayaa ka dhacay xafiiska Maayarka, halkaas oo uu si rasmi ah ugu qaabilay masuuliyiinta sare ee Hay’adda IJS, oo uu hoggaaminayey Mr. Duke iyo Mr. Ryan. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Badhasaab-ku-xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Xoghayaha Fulinta Degmada Gabiley, iyo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Degmada Gabiley, Eng. Cabdinaasir Haaruun Habane
Maayarka ayaa kulanka ka jeediyey hadallo mahadnaq ah oo uu ku bogaadiyey Hay’adda IHS wada shaqaynta dhow ee ay la leedahay Degmada Gabiley, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey mashaariicihii hore ee ay ka fuliyeen gobolka iyo kuwa hadda qorshaysan. Wuxuu xusay in mashaariicdani ay muhiim u yihiin horumarka kaabayaasha bulshada, gaar ahaan dhismaha xarumaha waxbarasho iyo isboorti oo ah tiirarka muhiimka ah ee bulshada deegaanka.
Intii uu kulanka socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay muhiimadda ay mashaariicdani u leeyihiin kor u qaadista tayada adeegyada bulshada ee degmada.
Maayarka iyo masuuliyiinta Hay’adda IHS ayaa ugu dambayntii kala saxeexday heshiiska rasmiga ah ee hirgelinta mashaariicdaasi, kuwaas oo lagu wado in si degdeg ah loo bilaabo.