Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa boggaadisay labada ciyaartooy oo reer Somaliland ah kuwaas oo kaalinta kowaad iyo labaad ka galay tartan xagga orodka ah oo lagu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo ay ku loolamayeen dhallinyarada oradyahannada Soomaalida Geeska Afrika.
Labada ciyaaryahan ayaa ka kala tirsan Kooxda orodada ee Gaashaan ee ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Warkan ka soo baxay wasaaradda dhalinyarada ee ciyaaraha ee ay ku hanbalyayneyso labadan orodyahan ee kaalmaha hore ka galay tartankii xagga orodka ee ka dhacay magaalada Jig-jiga ayaa u dhignaa sidan:
Wasaaradda dhallinyarada iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxay hanbalyo iyo boggaadin u direysa labada orod-yahan ee kaalinta kowaad iyo labaad ka galay tartankii lagu shalay lagu qabtay magaalada Jig-jiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Ciyaaryahanadan ayaa kala ah Fu’aad Siciid Cali iyo Sakariye Axmed Xasan, kuwaas oo ka tirsan kooxda Gaashaan ee ciidanka Qaranka Somaliland