Xildhibaano Bogaadiyay Xukuumadda Cusub ee JSL Baaqna ka soo Saaray Xaalada Magaalada Ceerigaabo

0
42

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa soo dhaweeyay golaha wasiirada cusub ee Somaliland, kuwaas oo maalintii shalay uu soo magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro.

Mudaneyaasha ayaa madaxweyne ku boggaadiyay magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiirada iyo inay ka dhex muuqda beelo aan xukuumadihii hore ka dhex muuqan jirin, taasi oo ay sheegeen in uu madaxweynuhu ku dhiiraday isla markaana ay tahay guul Qaranka u soo hoyatay.

Xildhibaanadan ayaa kala ahaa Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed, Dayib Xasan Axmed, Bedel Sheekh Khaliif, Siciid Maxamed Cismaan iyo Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi (Diir-qadhaadh).

Xildhibaanadan ayaa ILLAAHEY uga baryay xubnaha cusub in uu xilka ku asturo, sidoo kalena waxa ay u soojeediyeen in ay bulshada sinaan iyo cadaalad ugu adeegaan.

Gaba-gabadii xildhibaanadan ayaa ka hadlay xaalada ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaaney ku baaqeeen in gurmad deg dega laga sameeyo wax ka qabashada iyo xal u helista nabadgelyada magaalada, waxaaney soojeediyeen in arrinta halkaasi lagu hayo oo aanay wax danbe dhicin.