Warbixin Caalami ah oo Qodobaysay Guulaha Aqoonsiga Somaliland ugu Jira Mandaqada iyo Caalamka ba

0
89

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Muddooyinkii u dambeeyay waxa warbaahinta kala duwan ee caalamku ay faallaysanaysay aqoonsi caalami ah oo ay hesho Somaliland, kaas oo ka soo dhawaaday sidii hore iyo dalal si wayn u danaynaya in ay noqdaan waddamada ugu horreeya ee aqoonasada Somaliland.

Waxaana arrinta ka hadalka aqoonsiga Somaliland ee warbaahinta caalamka soo dedejiyay mooshinka horyaalka golaha kongarayska Maraykanka ee ku saabsan in dalka Maraykanku si buuxda u aqoonsado Somaliland.

Mareegta Debate oo falanqaysa arrimaha xaquuqaha bulshada caalamka iyo awoodahooda oo laga leeyahaya dalka Maraykanka, oo warbxinta ay daabacday uu soo turjumay wargeyska Dawan, ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland ay jiraan dalal badan oo si gaar ah u danaynaya in ay ku noqdaan dalalka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland.

Waxaa kale oo ay Mareegta Debate ay qodobaysay aqoonsi ay hesho Somaliland sida uu wax wayn uga tarayo ammaanka mandaqada iyo ka caalamka b aiyo sida uu Somaliland dhaqaaleheeda kor ugu qaadayo.

Waxaanay warbixintu intaa raacisyay in dalalka Maraykanka Ustareeliya iyo Itoobiya in ay safka hore kaga jiraan dalalka diyaarka u ah in ay si buuxda u aqoonsadaan Somaliland.

Waxaa kale oo warbixinta mareegta Debate lagu sheegay in Somaliland oo ku taalla bogcad muhiim ah aqoonsi ay caalamka ka heshaa in ay ka qayb qaadanayso la dagaalanka bushcad Badeeda meeshana ka saarayso halista marinka badda cas, iyo la dagaalanka argagixisada.

Waxaa kale oo warbixintu ay sheegtay in dhaqaalaha Somaliland uu noqonayo mid aqoonsi buuxa oo ay Somaliland heshaa in uu wax badan ka bedelayo nolosha bulshada Somaliland isla markaana warshadaynta gudaha Somaliland iyo wax soosaarka beeruhu kor u kacayo Somalilad dhanka caafimaadka waxbarashaada iyo ganacsiguba uu kor u kacayo.

Waxaana ugu dabayn warbixinta lagu xusay in Somaliland oo buuxisay dhammaan shuruudaha qaran looga baahan yahay ee dal lagu aqoonsado in ay xaq u leedahay in la aqoonsado.

“Somaliland in ka badan soddon sano ayay iskeed u taagnayd oo ay ku naaloonaysay dimuquraadiyad,doorashooyin xor ah iyo nidaamka asxaabta badan oo aan ka jirin mandaqaada ay ku taallo,waxay leedahay lacag u gaar ah goleyaal Baarlaman iyo dawladaha hoose oo la soo doorto iyo ciidan qaran oo gooni u ah.

Sidaa darteed si caalamku u gaadho nabad waarta oo ka hana qaada mandaqada geeska afrika xaq ayay u leedahay Somaliland in la aqoonsado.” Ayaa lagu yidhi warbiinta.