“Maanta Somaliland waa loo Wada Siman Yahay” Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL”

0
31

 

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Cige Yuusuf ayaa sheegay in Somaliland hadda loo wada siman yahay, kadib qalinkii Madaxwaynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi markii uu qabtay deegaankayga.

Wasiirka horumarinta Beeraha ayaa markii uu xilka la wareegayay waxa uu xusay in madaxwaynaha Somaliland ku dhiiraday inuu magacaabo ama uu ka qayb galiyo kuraasta golaha wasiirada bullshada deegaankiisa ee Gabooye si ay u helaan xaqood.

Waxa kale oo uu wasiirku xusay in Somaliland hadda loo wada siman yahay loona baahan yahay shaqooyinka iyo heerarka kala duwan ee shaqooyinka in laga qayb galiyo bulshada deegaankiisa.

Bulshada Gabooye ee uu ka soo jeedo wasiirku ayaa ay tahay markii ugu horaysay ee ay dalka ka helaan kursiga wasiir buuxa, balse madaxwaynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka qayb galiyay kuraasta golaha wasiirada oo uu horay u ballan qaaaday.

Wasiirka Beeraha ayaa shaqaalihiisa cusub u balan qaaday inuu si cadaalad ah ugu shaqayn doono isla markaasina uu wasaaradda ku soo kordhin doono karti iyo dedaal si loo gaadho halka la hiigsanayo.