Qoraa aan Muslim Ahayn oo Nabi Maxamed (HSW) ku Sifeeyay Hoggaamiye Aragti Dheer

0
70

Hargeysa (Dawan)- Professor Joel Hayward oo ah qoraa aan Islaam ahayn ayaa Buug ka qoray Hoggaamintii wanaagsanayd ee Nabi Maxamed CSW (The Leadership of Muhammad), waxaanu Nabigeeni Suubanaa ku sifeeyay Hoggaamiye lahaa aragti fog iyo qorshe dheer oo cad.

Professor Joel Hayward waxa kale oo uu ku tilmaamay Nabi Maxamed Hoggaamiye aad u caqli badan, isla markaana hoggaamintiisu ay ahayd mid leh Istaraatiijiyad qiimo badan, taas oo Kentay isbedelo waawayn oo dunida ka dhacay isla markaana uu ku mideeyay Ummadiisa.

Buuga uu qoray wale Hayward ee ku saabsan hogaamintii Nabi Mmuxamed NNKH waxa uu kaga hadlayaa hogaamintii wanaagsanyd markii uu la kulamay xaaladii uu kala kulmay bulshadii carbeed ee ku noolayd jasiirada carabta qarnigii 7aad.

Waxa uu sheegayaa Nabigu in uu kala kulmay xaalad cakiran oo siyaasadee oo ay ugu horayso qaybsaantii ka dhex aloosnayd beelihii wada dagi jiray gasiiradaasi kala duwanaanshihii diineed oo balaadhan iyo sida uu iskugu dayey in uu bulshadaasi ku mideeyo ee uu ugu saaray kala duwanaanshiyaha.

Professor jawel waxa uu ku tilmaamay Nabi muxamed in uu ahaa hogaamiye aragti fog isla markaana lahaa qorshe dheer oo cad isoagoo bulshadiisa u sawiray himilooyin waawayn iyo waliba habkii lagu gaadhi lahaa

Waxa kale oo Jawel ku sifeeyey Nabi muxamed NNKH in uu Kalsooni buuxda ku qabay asxaabtiisa oo uu u dhiibi jiray masuuliyado waawayn isla markaana muhiim ah.

Professor ka ayaa ku tilmaamay Nabi Muxamed in uu ahaa hogaamiye caqli badan istaraatijiya ilaa xad oo hadana horseeday isbadalo waawayne oo ku dhacay bulshadiisa xiligiisii isagoo xusay in maantaba hogaamintii ay waxtar wayn leedahay isla mar ahaantaana laga baran karo casharo muhiim u ah hogaaminta casriga ah ee bani aadamka.

Waxa buuga soo jidatay sida uu Nabigu hogaamintiisa ugu adeegsan jiray Tashiga iyo Shuurada taasi oo muujinaysa sida uu nabigu u qadarin jiray talada dadka kale gaar ahaan xiliyada go,aamada adadag la qaadanayo sida dagaalada iyo nabadaynta bulshada.

Jawel waxa uu tilmaamayaa in hogaaminta ku dhisan wadatashiga iyo in talada laysku soo gaadhaa aya ahayd mid ka mid ah hal abuurada waawayn ee bini aadamku ka bartay hogaamintii Nabi Muxamed.

Hogaamintii Nabigeenii NNKH in ay talo wadaag ahayd waxa kale oo u dheeraa in ay ahayd hogaamin naxariis badan oo inta badan ka talisa nabad iyo heshiis ka bulshada.

Hogaamintii NNKH waxay ahayd hogaamin raxmad badan tusaale ahaantaasna waxa muujinaya sida uu nabigu ula dhaqmi jiray caruurta, qoysaskiisa iyo xidhiidhadii ka dhaxeeyey isaga iyo Asxaabtiisa, isaga iyo umadiisa gaar ahaan sida uu ugu dardaarmay guud ahaan ilaalinta dumarka.

Nabu Muxamed NNKH waxa uu jeclaa in umadiisu ay badbaado oo ay talada illaahay ku samato baxdo.

Hogaamiye waa ehel waa sokeeye waana xigto talo wanaagsan ku gaadha bulshadiisa, himiladiisa wacana ku horseeda horumar, dareenka ka dhaxeeya hogaamiyaha wanaagsan iyo dadkiisa waaka ka dhaxeeya hooyada iyo ilmaheeda ama ilmo iyo Hooyadii.

Hogaamiyaha wanaagsani waxa uu jecel yahay in dadkiisa iyo dalkiisu ay noqdaan guri wanaagsan oo ay dadkiisu ididiilo qurxoon iyo rayn rayn u hayaan mustabalka iyo nolosha iyagoon wax war war ahna ka qabin