soo Bandhigay Tirada Dadka Argagixsada ah ee ay Qabteen

0
117

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan)- Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Maxamed Aadan dhaqadh-dabagale ayaa sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2021kii uu ciidanka ku guulaystay in ay qabtaan 21 argagixiso ah kuwaas oo ciidanku boolisku isagoo kaashanaya aqoontiisa iyo shacabka reer Somaliland ay gacanta ku soo dhigeen, sidaasna waxa uu ka sheegay xafaladii xilwareejinta Wasaarada Arimaha gudaha ee ay xilka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee wasaaradaasi iyo masuuliyiinta cusub ee uu dhawaan u soo magacaabay madaxwaynaha Somaliland.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa sidoo kale ka warbixiyey shaqooyinka ay ciidanka booliiska Somaliland ay u hayaan qaranka isla markaana uu yahay ilaaliyaha aminga gudaha,Dastuurka, socodsiiyaha xeerarka kale ee dalka u yaal iyo kuwa caalamiga aha ba, ka hortagaha dambiyada noocyadooda kala gadisan iyo sidoo kale ka daba tagista dabiyada dhacay, ilaaliyaha deegaanka iyo duurjoogta, dakadaha madaarada iyo meelaha kale ee halbowlaha u ah qaranka.

Waxa kale uu taliyuhu intaasi ku daray in ciidanku ka boolisku ka qayb qaato ururinta dakhliga qaranka iyo sidoo kale gacantiista laamaha sharciga, waxa uu xusay in ciidanka boolisku marka ay waajibaadkooda shaqo gudanayaan in ay dhibaato ka soo gaadho taasi oo iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac iyo sidoo kale khasaare kale.

Taliye dabagale ayaa xusay in shantii sano ee u dambaysay ciidanka booliska ay soo gaadhay isagoo shaqadiisa maalinlaha ah gunaya dhimasho 28 askari ay naftooda ku waayeen, geesta kale an ay ku dhaawacmeen 403 askari.

Ciidanka booliiska ayaa sidoo kale ka warbixiyey shantii sano ee u dambeeyey falalkii gudaha dalka ka dhacay iyo sidii ciidanka boolisku u maareeyey waxan uu yidhi. “Sanadkii 2020kii waxa dhacay 21335 dambi, dilka dhacay 53dil, argagixisada laqabtay 21, kufsi 161, daraagiska 5500 iyo dheeraad, shantii sano ee u dambaysay dunuubta dhacday waxa isku noqonayaan 128357 dambi guud ahaan”