“Xafiisyada Dawladdu Khayraadka ugu Fiican ee ay Haystaan Waa Dadkeeda Shaqaalaha ah…”

0
80

Wasiirka Madaxtooyadda JSL oo sheegay in Xafiis kasta oo Dawladeed uu u eekaado sida ay dadkiisu u eg yihiin”

 

 

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka cusub ee wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa kula dar-daarmay dhamaanba masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadda cusub in ay si cadaalad ah oo hufan ugu shaqeeyaan masuuliyada loo dhiibay.

Waxaanu sheegay wasiirku in wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda cusub ee madaxweyne C/raxmaan Cirro, looga baahan yahay in ay ku shaqeeyaan siyaasadda madaxweynaha cusub, isla markaana ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda.

Wasiirka cusub ee wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, oo hadalkan ka jeediyay munaasibadii uu xilka kula wareegay ayaa tilmaamay in ay qorshaha xukuumadda cusub ku jrto sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha xafiisyadda dawladda.

Iyadoona xafiis kasta oo dawladeed khayraadka ugu fiican ee uu haystaa uu yahay shaqaalaha, isla markaana haddii la tayeeyo shaqaalaha in ay qurux badnaanayso ama ay fiicnaanayso shaqadda ay xarumaha dawladu qaranka u hayaan.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xafiis kasta oo dawladeed khayraadka ugu fiican ee uu haystaa waa dadka shaqaalaha ah, waxaanu u eekaadaa uun dadkaasi sida ay u eg yihiin. Haddii dadkaasi ay yihiin dad iyagana la ixtiraamo, la qadariyo, oo la daryeelo, iyaguna kartidoodda iyo daacadnimadoodda xafiiska ama haayadda ay ka shaqaynayaan geliya, xafiiskaasi waxa uu noqdaa xafiis amcno leh.

Waana in shaqaalaha aqoontoodda la kobciyo, la dhiiri geliyo, waanan ka shaqayn doonaa. Haddii khayraadka koowaad oo shaqaalaha ahi uu hagaago, shaqo kastoo la qabanayaana way fiicnaataa.

Dawladan la dhisay waa dawlad ay cid waliba iska dhex arkayso, oo markii koowaad shacbiga Somaliland oo dhami ay iska dhex arkayaan, mhadaana waxaa iska leh madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland”.

Waxa kaloo uu wasiirku sheegay in dhamaanba xubnaha xukuumadda cusub ee madaxweynuhu soo xushay in looga baahan yahay in ay shacbiga u adeegaan, balse aan loo soo xulan in ay kirbaan, ama ay in ay awoodda la siiyay ay ku tarki falaan.

Isagoona xusay in ay lagama maar maan tahay in ay ogaadaan xubnaha wasiirrada iyo masuuliyiinta kaleba ay yihiin kuwo shaqaale ah, isla markaana shacbiga u shaqaynaya. Waxanu intaas raaciyay wasiirka madaxtooyaddu in aan looga baahnayn in ay soo kala dhawaystaan dadka ay u addeegayaan.

“Dadkaa uu madaxweynuhu soo xushay waxa ugu weyn ee loo soo xushay waxay tahay in ay shacbiga u adeegaan. Looma soo xulan in ay kirbaan, looma soo xulan in awoodda la siiyay ay ku tarki falaan, waana in ay ogaadaan dad shaqaale ah, oo shacbiga u shaqaynaya. Waana in aanay iska weynaysiinin ama iska kibrinin shaqaalaha, balse og masuuliyada la saaray culayska ay leedahay iyo in lagala xisaabtamayo” ayuu yidhi wasiir Khadar Xuseen Cabdi.

Waxaanu intaas raaciyay “Waana in aanay dadkoodda soo kala dhawaysanin, oo aanay qabyaaladaynin, waana in ay midnimo iyo wada jir dadkooda ku hagaan, siyaasadda koowaad ee madaxweynuhuna waa iskaashi qaran, iyo in shacbiga reer Somaliland uu noqdo shacbi mid ah, oo walaalo ah, oo wada socda. Xukuumaduna waa in ay taa qof waliba uu ka turjumi doono, madeaxweynuhuna ta uu inagu hogaaminayaa waa taa.

Anigu waxaan halkan ka balan qaadayaa, oo aan shacbiga reer Somaliland na u sheegayaa in aynu siyaasadda madaxweynaha ku shaqayn doono” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda madaxtooyadda jamhuuriyadda Somaliland Khadar Xuseen Siciid.