Dhaqdhaqaaqyada Aqoonsi Raadinta Somaliland oo Dunida ka Xoogaystay

0
33

Hargeysa(Dawan)-Tan iyo markii toddobaadkii hore xildhibaan  Scott Perry  oo ka tirsan Congresska, kana soo jeeda xisbiga Jamhuurigu uu soo saaray qaraar sharci oo ugu baaqaya dawladda Maraykanku inay dal  madaxbannaan u aqoonsato “Jamhuuriyadda Somaliland”, waxa kordhay hadal haynta warbaahinta dunidu ay ku faaqidayso qaddiyadaas.

 

 

 

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku jirta  ajendeyaasha Congressku falanqeyn doono 2025, waxana arrintaasi kaalin ku leh oo taageeraya machadka The Heritage Foundation, oo cilaaqaad la leh madaxweyne Trump oo January la wareegaya maamulka aqalka cad oo siyaasan danaynaya aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sida wakaaladda wararka ee SOLNA ay ka soo xigatay warbaahinta caalamiga ah oo sheegtay inay kordheen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada labada aqal ee Maraykanka ee taageersan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal ay ka dhaceen doorashooyin  daahfurnaantooda la majeertay, isla markaana xukunka la iskugu wareejiyay si nabadgelyo ah.

 

Wararku waxa ay intaas ku dareen in aqoonsiga  Somaliland uu Maraykanka ka saacidayo hirdanka geeska Afrika ay ku loolamayaan  Shiinaha, waxaanay weriyeen in bogcada istaraatajiga ah ee ay ku taallo Somaliland ay ka dhigayso inay noqoto xulafo Maraykanka u soo kordhay oo muhiim ah.

 

 

Sidoo kale, waxa warbaahinta caalamiga ahi cadaysay in dawladda tamarta daran  ee Muqdisho oo  kiraysatay kooxo uga shaqeeya sidii loo hor istaagi lahaa in Maraykanku aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo caalamku indhaha ku hayo guulaha ay ka gaadhay nabadgelyada iyo dawladnimada.