Qore: Cabdiwahaab Daahri Xasan
Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay casuumad uu iskugu yeedhay Madaxwaynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro taas oo ka dhacday aqalka madaxtooyada Somaliland isla markaasina ay ka soo qayb galeen badiba xubnaha golaha wakiilada.
Guddoomiye Faratoon ayaa ku sifeeyey casumadan uu madaxwaynuhu iskugu yeedhay in ay ka turjumayso sida uu madaxwaynuhu u danaynayo ama ay uga go,an tahay wada shaqaynta laamaha kala duwan ee dawladdu, maadama ayuu yidhi madaxwaynaha laftiisu uu hore uga soo tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada isla markaana uu muddo dheer soo ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada sidoo kale na mudda dheer soo hogaaminayey.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in arintaas ka turjumayso in ay wada shaqayn dhaw yeeshaan isla markaana ay fududayso kaalinta uu ku leeyahay gulaha wakiiladu talada dalka, waxa kale oo intaa ku daray in ay diyaar u yihiin golaha wakiiladu in ay la shaqeeyaan madaxwaynaha sidii ay madaxwaynayaashii hore ba ula shaqayn jireen wixii baahida qaranka ah ee madaxwaynhu soo jeediyo.
Gabagabadii guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in wixii tabashooyin ah ama siyaasad ah ee ay rabeen gole ahaan doonayeen in ay ka hadlaan in ay dib u dhiganayaan isla markaasina ay u dhiganayaan wakhti kale oo ay kaga habboon tahay oo ay si gaar ah uga wada hadli doonaan