Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay Colaada Gobolka Sanaag, Doorashadii dalka ka Qabsoontay iyo Dagaalka Degaanka Dacawaley

0
15

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud oo shalay furay Kalfadhigii 86-aad ee golahaasi ayaa ka hadlay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo isbedelkii dalka ka dhacay, waxaanu sheegay in doorashooyinkii isku-sidkena ay kor u qaadeen sumcada dalka, isla markaana ay indhaha beesha caalamka tuseen guud ahaan Somaliland.

Guddoomiyaha oo khudbadii Shir-guddoonka ka hor jeediyay golaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada guud ee nabadgelyada dalka, waxaanu soo qaatay colaada gobolka Sanaag, oo uu xusay in ay degi lahaadahay loona maaro laayahay, waxaanu hoosta ka xariiqay in ka gole ahaan ay u taalo sidii ay hawshaasi u gali lahaayeen.

Geesta kale waxa uu ka hadlay dagaalka dhimashada iyo dhaawaca sababay ee ka dhacay degaanka Dacawaley, ee Dowlad degaanka Soomaalida, waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii halkaasi ku naf waayay.

Waxaanu yidhi.“Waxaynu furaneyna Kalfadhigii 86-aad ee golaha, Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, mudadii goluhu fasaxa ku jiray doorasho fiican ayaa dalka ka dhacday, dowlad iyo dalba lagu ammaanan yahay sumcadii Qarankana kor ayay u qaaday, doorashooyinkii dalka ka dhacay ri’ri gees ka riday may jirin”

Guddoomiyaha golaha golaha guurtida ayaa sidoo kale ka hadlay nabadgelyada guud ee dalka, waxaanu ka dariyay xaalada colaadeed ee ka soocusboonaatay gobolka Sanaag iyo degaanka Dacawlaey ee dowlad degaanka Soomaalida.

Waxaanu yidh.“Nabadgelyadu ma qurux badna, bariguna degiwaa gaar ahaan gobolka Sanaag la yidhaahdo, bal wixii aynu ka yeeleyno waynu ka tashaneynaa.

Degaanka Dacawaley laba qabiil oo midi Somaliland yahay ayaa is-haya rag badanina waa dhinteen ragna waa dhaawac, samir iyo iimaan ALLE haka siiyo qoysaskii ay ka baxeen,