Madaxweynaha Somaliland oo Caddeeyay inuu Xoojinayo xidhiidhka caalamiga ah

0
21

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Dr Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in shaqada u horraysa ee xukuumadiisu qaban doontaa ay tahay sidii uu u cusboobaysiin lahaa, una xoojin lahaa cilaaqaadka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale.

 

Sidaasna waxa baahisay  Idaacadda Faransiiska ee RFI, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay idaacada Faransiisku  sheegtay in Somaliland ay si ballaadhan oo aan hore loo arag xilligan u doonayso ictiraaf caalamiya oo ay ka hesho beesha caalamka.

 

Warsidaha RFI wuxuu sheegay in madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu dharaartii xilka loo caleemo-saaray uu ballan qaaday in xukuumadiisu xoojinayso siyaasadda dibadda iyo xidhiidhkeeda caalamiga ah.

 

Waxa kaloo madaxweynuhu sheegay in  Somaliland in ay door ka qaadan doonto xasiloonida Geeska Afrika iyo badda casba.

 

 

 

 

Warku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Donald Trump ay siyaasadiisu u janjeedho inuu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xildhibaanno kala duwani ay qaddiyadda Somaliland taageereen.

 

 

Idaacadda RFI waxa ay soo qaadatay hadalkii danjiraha Maraykanka  Richard H. Riley, ka jeediyay xafladii caleemo-saarka madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo uu ku dooday in Somaliland tahay mid ka mid ah dalalka calanka u sida dimuqraaddiyadda Afrika oo dhan.