Mucjisada Markabkii Quusay Iyo Caalamkii Rogmaday! Titanik Iyo Markabkii Nebi-Nuux!

0
16

Markabkii Titanic waxaa sameeyay shirkadda Harland and Wolff, sanadkii 1912, oo ah shirkad ka shaqeysa dhismaha maraakiibta. Shirkadani waxay ku taallay Belfast, waqooyiga Irland (Northern Ireland). Waxaa si gaar ah u maamuleyay J. Bruce Ismay oo ahaa madaxii White Star Line, oo ah shirkaddii maamulaysay Titanic.

Titanic waxaa dhismhiisa ka qayb qaatay in ka badan 15,000 oo shaqaale ah oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee farsamooyinka dhismaha. Hase yeeshee, kooxda ugu weyn ee ku lug lahayd samaynta Titanic waxay ahayd kooxaha naqshadda, farsamayaqaanada, iyo shaqaalaha kale ee noocayda dhismaha ah. Dhamaantood waxa ay ahaayeen xirfadalayaal dhinacayada farsamida birta, misiinada, dabka iwm.

Kabtanka markabka Titanic  Mr. Edward Smith, ayaa sheegay hadallo muujinaya kalsooni weyn oo uu ku qabay awoodda markabka ee in uu ka badbaadayo shil kasta. Si gaar ah, wuxuu yiri “Titanic ma quusayo”. Hadalkan wuxuu ka tarjumayay fikirkii guud ee waqtigaas ee ahaa in markabkan, oo loo arkay inuu yahay mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee injineeriyada badda gaadheen oo ah in ay sameeyaan Markab aan quusan karin. Nasiib darro markabkii Titaanki ayaa quusay safarkiisii ugu horeysay, waxaana ku dhintay dad gaadhaya 1500 qof, oo badankoodu ka soo jeeday dalalka Yurub iyo Amerika.

Halka markabkii uu sameeyay Nebi Nuh (CS)  oo hal qof, uu ku dhaqaajiyay Aayadda Magaca Allah (sw)  “Bismillaah majraaha wa mursaha,” . Aayaddan waxay muujinaysaa in dhammaan arrimaha la xidhiidha markabka (socodkiisa iyo degitaankiisa) ay ku jiraan gacanta Allah. Allah ayaa leh awooda dhammaan xaaladaha safarka, waxaana lagu xusay Aayadda in safarka uu ku bilowdo magaca Allah, taas oo ah in dhammaan hawlaha safarku ay gacanta Allah ku jiraan.

Arrintan waxa ay kaga duwan tahay Titanink, isaga keliya ayaa quusay oo dadkii saara ku dhinteen, dunida inteeda kale  saamayn kuma yeelan, laakiin Markabka Nebi Nuux (cs) waxa badbaaday isaga iyo inta raacaday waxaana burburay caalamka intiisa kale oo dhan. Waxaa muhiim ah inaad ogaato cidda aad ku tiirsan tahay, iyo cidda aad kalsooni ku qabto, iyo cidda aad qalbigaaga ku xidhayso, iyo cidda aad magan gelayso ee halwaha dhamaantood hagaya, waana Allah (sw) caalamka guud ahaan maamulaya. Alle (sw) waxa uu yidhi:
“Qofkii Allah talo saarta ( isku xidha) , isagaa ayaa ku filan”