Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan):Dawladha Somaliland iyo Itoobiya,ayaa ka wada hadlay xaaladda colaadeed ee deegaanka Dacawa;ay.
-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan muhiim ah oo uu la qaatay Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Teshome Shunde Hamito, kulanka ayaa ugu horayn Wasiirku ku soo dhoweeyey isbarasho Safiirka.
Waxaana lagaga wada hadlay in la xoojiyo xidhiidhka Iskaashiga nabadgelyada ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya, iyadoo la isla qaatay in nabad lagu dhameeyo arrintii ka dhacday Degaanka Dacawaley ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland iyo danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa isla qaatay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo nabad gelyada labada dal lid ku ah iyo sidii xaaladda dacawalay si deg deg ah nabad loogu soo dabbaali lahaa.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan la qaatay Wakiilka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Ambassador Ilyaas Maahir.
Kulankaas oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhawayn, Safiirka ayaa uga mahadnaqay Wasiirka qaabilaada iyo soo dhawaynta uu u sameeyey Wasiirku, dhinaca kale Wasiirka ayaa u mahadnaqay Safiirka oo booqasho ugu yimi.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada Dalka, kuwaasoo ah mid soo jireen ah, sidoo kalena waxay ka wada hadleen wada shaqaynta Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Xafiiska Wakiilka Dowladda Ingiriiska. Waxaa kale oo ay ka wada hadleen nabadgelyada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo ta Gobolkaba.