Qore Cabdiwhaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan):- WaSsaaradda Horumarinta Maaliyada gaar ahaan waaxda cashuuraha Barriga ayaa bilowday ololihii ugu dambeeyey ee sanadkan sii dhamaanaya ee cashuur ururinta, masuuliyiinta waaxda cashuuraha barriga iyo ciidanka ilaalada cashuuraha ayaa ku howlan ururinta cashuuraha ku baaqday gaadiidlayda kaladuwan, mulkiilayaasha gaadiidlayda iyo cidkasta oo ay cashuuri ku baaqatay.
Taliyaha Ciidnak ilaalinta cashuuraha Axmed Xasan Cabdiraxmaan ayaa dhamaan gaadiidlayda reer Somaliland iyo cidkasta oo cashuur lagu leeyahay ugu baaqay isla markaana ka codsaday in ay soo bixiyaan dhawrka maalmood ee ka hadhay sanadkan sii dhamaanaya, kuwaas oo kala ah cashuuraha Waddo marista, kala wareejinta iyo cashuuraha guryaha.
Waxa uu Taliyuhu faray ciidanka ilaalada cashuuraha in ay iska xilsaaraan isla markaana ay awoodda saaraan in maadaama sanadku gabogabo yahay si loo soo ururiyo cashuurta dakhliga ah howlgalka cashuur ururintana dedaal dheeraad ah ku bixiyaan.
Geesta kale Agaasimaha waaxda Cashuuraha bariga Mustafe Muxumed Ciise ayaa isna dhankiisa u diray fariin guud ahaan shacabka reer Somaliland gaar ahaan dadka lagu leeyahay ama ay ku baaqatay cashuurta wadamarista.
Waxa uu fariin u diray ganacsatada ay ku baaqdeen Cashuuraha kala duwan in wixii cashuur ah ee ku baaqday ay ku soo bixyaan maalmaha kooban ee ka hadhay sanadka.
Gabagabadii Agaasimaha waaxda Cashuurahu waxa uu hoosta ka xariiqay isla markaana carabka ku adkeeyey in dhamaan gobolada dalka laga galidoono olole cashuur ururin ah kaas oo lagu soo xerayn doono wixii cashuuro kaga baaqday, waxa kale oo uu agaasimuhu faray gaadiidlayda, ganacsatada, dirawaliinta ama mulkiilayaasha gaadiidlayda in ay si dhibyar u cusboonaysiistaan liisamadooda wixii cashuur ku baaqdayna inta sanadka ka hadhay ay ku soo bixyaan.