Xikmadaha qoraaga Masaariga ah ee Najiib Maxfuud waxay si qoto dheer u muujiyaan fikirkiisa ku saabsan xaqiiqooyinka nolosha, bulshada, iyo horumarka. Suugaantiisa iyo qoraalladiisa waxay door muhiim ah ka ciyaareen fahamka bulshada ee xaaladaha kala duwan. Waxaana ka mid ah:
- “Nolosha waa isku day, waxaa muhiim ah in aad ka guulaysato caqabadaha.”
โ Waxay tilmaamaysaa in noloshu tahay dadaal iyo isku day, marka aad la tacaalayso dhibaatooyinka, waa inaad isku daydaa inaad ka gudubto, oo aanad isu dhiibin hadba mushkuladda kuu muuqata. - “Xilliga adag wuxuu muujiyaa awoodda dhabta ah ee qofka.”
โ Najiib wuxuu sheegayaa in xilliyada adag ee nolosha ay yihiin fursado qofka ku muujinayo kartidiisa iyo adkaysigiisa iyo niyadda uu u hayo in uu ka gudbo caqabadda hor taagan. - “Dhibaatooyinka noloshu waxay qofka baraan sidii u noolaan laha. “
โ waxay ka turjumaysaa fikradda ah in caqabadaha nolosha ay yihiin kuwa qofka ka caawiya inuu helo faham qoto dheer oo ku saabsan nolosha iyo waxa ay ka dhigan tahay.
“Bulshada waa sida beerta, haddii aad si wanaagsan u beerto, waxaad ka heli doontaa midho fiican.”
โ Xikmadani waxay ka caddaynaysaa isku xidhnaanta bulshada iyo sida ay muhiimka u tahay in la isku taageero si loo helo natiijooyin wanaagsan