Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Qaranka

0
33

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland, Mudane Dr  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa  shalay wareegto Madaxweyne ku magacaabay  Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed in uu ahaado    agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuulkan loo magaacabay Sirdoonka Qaranka ayaa hore usoo noqday  Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ee Xukuumaddii Madaxwayne Muuse Biixi.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa u dhigneyd sidan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu shalay oo ay taariikhdu tahay 25/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-014/122024 uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

In Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed laga bilaabo taariikhda manta(shalay) uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.