Markab Ruushku leeyahay oo ku degay Badda Mediterranean-ka

0
108

Markab laga leeyahay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Ursa Major ayaa ku degay badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa Spain iyo Algeria kadib markii uu qarax ka dhacay qolka matoorka, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

Waxa ay sheegtay in 14 ka mid ah shaqaalihii markabka la badbaadiyay oo la geeyay dekedda Cartagena ee dalka Spain balse laba kale ayaa la la’yahay.

Ursa Major waxay ka tagay dekedda St Petersburg 12 maalmood ka hor, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax.

Mulkiilaha markabka ayaa sheegay in uu ku sii jeeday magaalada Vladivostok ee bariga fog ee Ruushka isaga oo siday laba wiish oo loogu talo galay dekeddaa oo midkiiba 380 tan, inkasta oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin halka uu ku socday.

Ka hor intii aan degin Ursa Major, Hay’adda Badbaadinta Badda ee dalka Spain ee Salvamento Marítimo ayaa sheegtay in ay heleen14 qof laga helay dooni ay saarnaayeen oo si nabad ah loo qaaday Spain, ka dib  waxa halkaa soo gaadhay markab dagaal oo Ruushku leeyahay si uu ula wareego howlaha badbaadinta.

Ursa Major ayaa ku sugnaa isla aaggan Mediterranean-ka waxa uu la joogay markab kale oo Ruushka ah oo cunaqabatayn la saaray oo lagu magacaabo Sparta, kaas oo dhibaato ku timi isaga oo halkaa maraya, waxaana labada markab la arkay iyaga oo sii dhex maraya Channel-ka Ingiriiska todobaadkii hore, sida la sheegay.

Horaantii bishan, sirdoonka millatariga Ukraine (HUR) ayaa sheegay in markabka Sparta uu ku wajahan yahay saldhigga ciidamada badda ee Ruushka ee ku yaal xeebta Suuriya ee Tartous si ay qalab milatari uga soo saaraan Suuriya ka dib markii la riday Bashaar Al-Asad.

Sarkaal ka tirsan Kremlin-ka ayaa sheegay Isniintii in Ruushku uu xidhiidh la sameynayay hoggaamiyeyaasha cusub ee Suuriya mustaqbalka labada xarun ee militariga, labadaba heer diblomaasiyadeed iyo mid milatari.

Mulkiilaha Ursa Major Oboronlogistika ayaa si weyn ugu lug lahaa daabulida shixnadaha Tartous, in kasta oo Sparta la sheegay in Salaasadii uu u socday dekeda Port Said ee Masar.

Mareegta la socodka gaadiidka badda ee LSEG ayaa BBC u sheegtay in nidaamka aqoonsiga otomaatiga ah ee Ursa Major (AIS) uu muujinayo in meeshii ay ku socotay tan iyo 11kii Diseembar ay ahayd Vladivostok.

Isniintii, HUR ayaa soo warisay in Sparta la xaliyay ciladii.  Lama oga waxa sababay qaraxan ka dhacay magaalada Ursa Major xilli uu marayey inta u dhaxaysa Oran ee dalka Algeria iyo magaalada Águilas ee dalka Spain.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaal laga duubay markabka Ross Sea inta u dhaxaysa 12:00-13:00GMT ee isniinta, oo ay xaqiijisay BBC, ayaa muujinaya liiska markabka si xun.

Ugu dambayntii waxay degtay abbaaraha 01:20GMT Salaasadii.

Ursa Major waxaa la sameeyey 2009-kii waxaana la saaray cunaqabatayn ka dib markii Ruushku si buuxda u galay Ukraine 2022 sababtoo ah doorka mulkiilaha markabka ee u gudbinta shixnadaha milatariga Ruushka.