Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargasa (Dawan) Qaar ka mid ah Haweenka gobolka Togdheer ee ku nool Hargaysa ayaa kaalmo Taakulo ah gaadhsiiy dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay colaadii deegaanka Dacawalay ee dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Haweenkaas ayaa sheegay in kaalmada ay gaadhsiinayaan dadkii ku soo barakacay colaada deegaanka Dacawalay, kuwaasi oo ay la qaybsanayaan dareenka murugada leh iyo diifta colaadda, waxaanay tilmaameen inay gaadhsiinayaan kaalmo taakulo ah oo isugu jirta Bustayaal, Timir iyo raashin dhamaytiran.
Haweenkaas ayaa sheegay inay mar kasta garab taagan yihiin dadka walaalahood ah ee ku barakacay colaad deegaanka Dacawalay sidoo kalena sheegay in ay u gaynayaan mar kasta wixii looga baahdo.
Hinda Axmed Faarax oo ka mid ah Haweenka taakuladan gaadhsiinayay dadka ku barakacay colaad deegaanka Dacawalay ayaa sheegtay in ay dareenka la wadaagayaan dadkaasi, sidoo kalena u hurayaan wixii awoodooda ah ee ay hayaan.
Hinda ayaa sidoo kale tilmaantay in aanay markii u horaysay noqon dooniin balse ay u maqan yihiin oo ay mar kasta gaadhsiinayaan wixii ay u qorsheeyaan.
Dhinaca kale Kaafiya Maxamuud Ismaaciil ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin gaadhsiinata wax kasta oo looga baahdo iyo inay is barbar taagaan dadka ku barakacay colaada deegaanka Dacawalay, waxay intaasi ku dartay in taakuladani tahay tii u horaysay ee ay la gaadhaan dadkaasi barakacay balse aanay noqon doonin tii u danbaysay ee ay mar kasta ka war haynayaan ka Haween ahaa dadkaasi dhulkoodii ka soo Barakacay.