“Mudadii aanu xilka aanu haynay Waxanu wax wayn ka Bedalnay Habraacii Cashuur Dhaafka” Agaasimihii hore ee Waaxda kastamada

0
36

Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarunta Maaliyada Somaliland Mudane Maxamed Xasan saleebaan ayaa xilkii u kala wareejiyey agaasimihii hore ee waaxda kastamada iyo agaasimaha cusub ee dhawaan loo magacaabay waaxda kastamada, xaflada xilwareejinta oo ka dhacday Xafiiska xisaabiyaha guud ee Qaranka, waxa kasoo qaybgalay badiba maamulayaasha kastamada iyo masuuliyiinta ka tirsan wasaarada maaliyada Somaliland.

Agaasimihii hore ee waaxda kastamada oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixyey waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayey waxana uu yidhi.

“Mudadii aanu xilka aanu haynay waxanu wax wayn ka bedalnay habraacii cashuur dhaafka, waxanu nidaamka tooska ah (online) u bedalnay cashuur dhaafkii cidkataana sidaas ayey ku qaadataa, anigu waxan ugu imid iyadoo waraaqo la qaato, maantana waxan wareejinayaa iyadoon waraaq laqaadanaynin oo qof waliba nidaamkaa aanu soo kordhinay ka qaadanayo, haduujoogo Balligubadle iyo hadduu joogu Ceerigaabo”.

Agaasimihii hore waaxda kastamadu Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay dardar galiyeen mudadii uu joogay unuga dabagalka kaas oo hore u jiray balse ay mudadii uu joogay ay shaqaale kale ku dareen isla markaasina hadda ay shaqadoodii todobaatan boqolkiiba ay dhamaystireen hadase ay u hadhsan tahay wax gaadhaya boqolkiiba Soddon.

Agaasimaha cusub ee loosoo magacaabay waaxda kastamada isla markaasina xilka lawareegayey ayaa isna halkaasi ka hadlayey waxana uu masuuliyiintii xaflada xilwareejinta ka soo qaybgashay ka codsaday in ay ugu duceeyaan xilkaasi loo igmaday in alle ku asturo waxana uu ku baaqay in lala shaqeeyo.

 

Gabagabadii agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Somaliland sidoo kalena xilka u kala wareejinayey labada masuul oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in lala shaqeeyo masuulka cusub isagoo agaasimihii hore ee waxaada kastamada ku sifeeyey in uu ahaa nin khibradbadan leh mudda badana ka soo shaqaynayey waaxda kastamada isagoo uga markhaati kacay in uu waxbadan qabtay intii uu xilka hayey, waxa kale oo uu agaasimaha cusub kula dardaarmay in uu shaqada halkii uu agaasimihii isaga ka horaayey gaadhsiiyey uu hore uga sii wado.