Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoomineyay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu furmay goluhu waxa uu xogheynta ka codsaday in loo qaybiyo ajandaha Kalfadhiga 86-aad ee golahaasi.
Markii mudaneyaasha loo qaybiyay qaybiyay ajandaha Kalfadhiga 86-aad ee golahaasi ku shaqayn doono mudada ay ku gudda jiraan Kalfadhigan, waxa ku jira colaadaha Ceerigaabo, hawdka iyo arrimo kale oo lagu gorfeyn doono inta Kalfadhigu socdo.
Sidoo kale waxa ku jira warbixinta guddida joogtada, arrimaha taagan, nabadgelyada iyo horumarinteeda, siyaasada, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashadda Arrimaha soo galootiga ee Dhaqaale Doonka ah ee sita kaadhka Zaadka.
Gaba-gabadii fadhigaas ayaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golahaas Mudane Siciid Jaamac Cali waxa uu Mudanayaasha Golahaas ka codsadey in ajandahoodaas soo akhriyaan kana soo baran dagaan,iyadoo Gole weynuhu fadhi dambe u balamey Maalinta isniinta ah ee toddobaadkan aynu ku gudo jirno.