Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland waxay dedaal badan gelisay ilaalinta, iyo daryeelka duur joogta dalka. Waxaana socda maahaariic lagu xanaanaynayo duur joogta ay dadkeenu magaalooyinka ku dhex haystaan, taasoo loo qorsheeyay in la geeyo goobo ama xarumo loogu tallo galay.
Sidoo kale wasaaradu waxay dhamaystirtay goob loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo Shabeelka, iyo Harimacadka, goobtaasi oo ah deegaanka Debis, ee barriga magaaladda Hargaysa.
Dhawr sanno ka hor waxay wasaaradu heshiis wada shaqayneed la gashay haayadda CCF, oo ka shaqaysa ilaalinta iyo daryeelka Harimacadka, iyo Shabeelka.
Dhawaan na waxaa la dhamaystirwy goob loogu tallo galay in lagu daryeello Harimacadka la doonayo in laga bad-baadiyo ee deegaanka Geed-deeble.
Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa shir ku saabsan joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta oo dhawaan lagu qabtay magaaladda Hargaysa.Waxaana shirkaasi lagu daah-furay laba mashruuc oo lagaga shaqaynayo daryeelka duur joogta, kaasoo ay si wada jir ah daahfureen wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL iyo haayadda CCF.
Kulankaasi oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha haayadda CCF, safiirka Taiwan, u fadhiya Hargaysa.Sidoo kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka, socday haayadda maxaliga ah ee Candlelight, iyo marti kale. Waxaana shirkaasi lagu daahfuray laba mashruuc wax ka taraya joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.
Labadan mashruuc ayaana kala ah FWS iyo LICIT2, kuwaasoo qayb ka ah qorsheyaasha la doonaya in lagu joojiyo ka ganacsiga sharci darada ah ee duur joogta, gaar ahaana Harimacadka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa ka warbixiyay labadan mashruuc iyo u jeedadda laga leeyahay ee la dagaalanka ka dhanka ah joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta. Waxaanu sheegay agaasimuhu in wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda CCF ay dhawr sano ka hor wada galeen heshiis ku saabsan wax ka qabashadda ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka.
Labadda mashruuc ee ilaalinta duur joogta ayaa la filayaa in ay wax badan ka tari doonaan wax ka qabashadda iyo joojinta duur joogta. “Waxaa sharaf noo ah in aanu halkan ku daah-furno labada mashruuc oo wax badan ka gaysan doonaan ilaalinta, iyo joojinta ka ganacsiga sharci darrada ah ee Harimacadka Somaliland oo uu ku socdo dagaalka ugaadhsiga ah ee faraha badan”ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimihii hore ee wasaaradda deegaanka Somaliland.
Agaaaimaha guud waxa kaloo uu sheegay in wasaaradda Deegaanku ay dedaal badan gelisay ilaalinta iyo duur joogta dalka, isla markaana ay socdaan maahaariic lagu xanaanaynayo duur joogta ay dadkeenu magaalooyinka ku dhex haystaan. Waxaanu yidhi, “Wasaaradda Deegaanka Somaliland waxay dedaal badan gelisay ilaalinta, iyo daryeelka duur joogta dalka. Waxaana socda maahaariic lagu xanaanaynayo duur joogta ay dadkeenu magaalooyinka ku dhex haystaan.Sidoo kale wasaaradu waxay dhamaystirtay goob loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo Shabeelka, iyo Harimacadka, goobtaasi oo ah deegaanka Debis, ee barriga magaaladda Hargaysa”.
Dhawr sanno ka hor waxay wasaaradu heshiis wada shaqayneed la gashay haayadda CCF, oo ka shaqaysa ilaalinta iyo daryeelka Harimacadka, iyo Shabeelka. Dhawaan waxaa la dhamaystirwy goob loogu tallo galay in lagu daryeello Harimacadka la doonayo in laga bad-baadiyo ee deegaanka Geed-deeble, taasoo bisha July, la furi doono.
Geesta kale agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay labadan mashruuc u leeyihiin horumarinta iyo daryeelka duur joogta. “Mashaariicdan aynu daah-furaynaa waxay wax weyn ka tari doonaan horumarinta iyo daryeelka ay deegaankeenna, iyo duur joogteenu ay u baahan yihiin. Waxaanay dhiiri gelin u tahay in Somaliland ay noqoto goobaha ugu muhiimsan dalxiiska Barriga Afrika, iyo caalamka ba” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.
Qaybta labaad ee qormadeena DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL ayaa diyaarisay siyaasadda isbedelka cimiladda (National climate change policy), kaasoo la filayo in dhawaan la hor geeyo golaha wasiirrada Somaliland si ay u ansixiyaan.
Siyaasaddaasi oo ay gun-dhigeedda yihiin laba qodob oo kala ah sidee baynu u la qabsan karnaa dhibaatooyinka ay inagu keentay isbedelka cimiladu? Iyo sidoo kale sidee baynu hada na dhibaatooyinka qaarkood ula qabsan karnaa, ama ula noolaan karnaa?
Iyadoo taa laga duulayo, waxyaabaha kale ee ay wasaaradda Deegaanku samaysay waxaa ka mid ah Hagaha qiimaynta, iyo saamaynta, deegaanka, iyo bulshadda ee ay keenaan mashaariicda horumarineed ee kala duwan ee dalka ka socdaa ay ku leeyihiin deegaanka. Sababtoo ah mashaariico fara badan oo horumarineed oo dalka socda, ama inoo qorshaysan ayaa si toos ah, iyo si dad-ban ba, deegaanka waxyeelo ugu keeni karra, iyadoo ay inoo muuqato saamaynta ay sida tooska deegaanka ugu leeyihiin mashaariida horumarineed.
Sidaasi na waxaa sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Maxamed C/laahi Ducaale, oo hadal ka jeediyay kulan hawleedka wacyigalinta iyo la qabsiga isbedelka Cimilada ee heer qaran, kaas oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa. Kulankaasi oo socday muddo laba maalmood ah ayay u jeedadiisu ahayd iyadoo la doonaayo in shacabka lagaga wacyigeliyo dhibaatada Isebdelka Cimilada, isla markaana ay si fudud ula qabsan lahaayeen dhibaatooyinkaasi ka dashay Isbedelka Cimiladda.
Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, iyo wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda ee ay khusayso arrinta isbedelka cimiladu. Sidoo kale waxaa kulanka ka soo qayb galay saraakiil ka socday haayadda UNDP oo iyadu wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqaysa arrimaha wax ka qabashadda dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladda.
Waxaanu agaasimaha guud sheegay in aanay jirin Cilmi-baadhisyo rasmi ah oo laga hayo heerka ay taagan tahay dhibaatadda, saamaynta tooska ah ee ay deegaankeenna ku keentay isbedelka cimiladu. Laakiin, waxaanu shaki ku jirin in isbedelka cimiladu waxyaabaha uu keenay ay ka mid tahay abaaraha inagu soo noq-noqday. Biyihii roobka oo inagu yaraaday, iyadoo na ay biyo la’aani ku dhacday xoolihii, iyo xataa dadkii ba, iyo sidoo kale kor u kaca kulaylka inagu yimid in isaga laftiisu uu ka mid yahay dhibaatooyinka badan ee ay keentay isbedelka cimiladu. Taasoo sidoo kale saamayn ku yeelatay xagga caafimaadka bini’aadamka, waxaana ka dhashay xanuuno inagu cusub, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, oo kulankaasi si rasmiya u furay.
Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay inagu keentay isbedelka cimiladu, isla markaana loo la noolaan lahaa, loo la na qabsan lahaa. Waxyaabaha ugu horeeya ee ay wasaaradu samaysay waxaa ka mid ahaa, oo imika na dhamaatay oo u baahan uun in ay golaha wasiirradu ansixiyaan, siyaasadii isbedelka cimiladda (National climate change policy). Siyaasaddaa gun-dhigeedda waxaa ah laba qodob. Sidee baynu u la qabsan karnaa (adoption plan), dhibaatooyinka ay inagu keentay isbedelka cimiladu? Iyo sidoo kale sidee baynu hada na dhibaatooyinka qaarkood ula qabsan karnaa, am aula noolaan karnaa? Labadaa qodob baa gun-dhig u ah xeerkaasi.
Iyadoo taa laga duulayo, waxyaabaha kale ee ay wasaaradu samaysay waxaa ka mid ah environmental and social impact assessment guideline. Hagaha qiimaynta saamaynta, deegaanka, iyo bulshadda ee ay keenaan mashaariicda horumarineed ee kala duwan ee dalka ka socdaa ay ku leeyihiin. Taasoo nuxurkeedu na ahaa in la hello meel laga duulayo, waayo? Mashaariico fara badan oo horumarineed oo socda, ama inoo qorshaysan, ayaa si toos ah, iyo si dad-ban ba, deegaanka waxyeelo ugu keeni karra. Waanay inoo muuqataa imika in ay si toos ah saamaynta ay deegaanka ku keeneen mashaariicda horumarineed”.