”Gogol Nabadeed ayaan Ceerigaabo Dhignay” Madax-dhaqameedka Somaliland

0
57

Hargeysa-(Dawan): Odayaasha dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in ay gogol nabadeed u dhigeen dadka wada dega gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.

Madaxda Dhaqanka oo Warbaahinta Hargeysa kula hadlay, ayaa wada noolaansho nabadeed ugu baaqay dadka ka baxay magaalada Ceerigaabo waxaanay xuseen in gogol Nabadeed ay Ceerigaabo Dhigeen.

Xukuumadda iyo dadka samo-taliska ayaa ku hawlan sidii dib loogu soo celin lahaa wada noolashihii ka dhaxeeyey dadka wada dega gobollada bariga gaar ahaan Ceerigaabo iyo bariga Laascaanood.

Dedaalo ay Xukuumaddu daba ka riixayso oo nabadeed ayaa ka socda gudaha gudaha Somaliland iyo xuduudaha ay la wadaagto waddamada la jaarka ah oo qaar ka mid ah ay ku nool yihiin dad isir ahaan kasoo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Suldaan Siciid Yuusuf Nuur oo ku hadlayayay afka madaxdhaqameedka gogosha nabadeed dhigay ayaa yidhi. “ Shiqaaqadii Magaalada Ceerigaabo ka dhacday ee foosha xumayd ee dadku ku kala qaxay ee wax badan oo aan imika halkan lagu soo koobin karin ay ka dhaceen, wixii halkaa ka dhacay waxaanu marka hore ka bixinaynaan xaal annaga oo aad iyo aad uga xun, dadka wixii ka dhintay ee halkaa ku dhintay dhinac kastaba ha ahaadee waxaanu ILLAAHAY uga baryaynaa in uu Jannooyinkiisa ku arsaaqo gacan ka xaq daran baa dishay, wixii ku dhaawacmayna inuu u booga dhayo.

Waxaanu ballan qaadaynaa in aanu wax wayn ka qabanayno oo aanu dhamays tirayno wixii nabad lagu helayo ee halkaasi ka dhacay inta aanu halkan ku joognaa waa dadkii Waayeelka u ahaa meeshaasi wax ka dhaceen ballan qaadkaasi buuxa ayaanu ka bixinaynaa…