Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay amniga Dhaqaalaha iyo horumarka Qaranka

0
67

“Walaalayaal, Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxaa saldhig u ah WADAJIR iyo WAXQABAD.”Madaweynaha Qaranka

Qore: Faysal Xiis Afgaab

 

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriadda Somaliland md Dr Cabdiraxmaan Maxame

Cabdilaahi cirro,ayaa jeediyay qudbad dhinacyo badan taabahaysa.

Dr Cabdirxamaan Cirro Madaxweynaha Somalliand waxaa uu ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee dalka,waxaanu Madaxweynu salaam hambalyo iyo bogaadin sannadka cusub ah uu u diray guud ahaan shacbiga Somalilnad.

Waxaanu Madaxweyne Dr Cirro bulshada u ballan qaaday in xukuumaddiisu ay tahay xukuumaddii   wada jirka iyo waxqabadka.

 

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland bulshadiisa u caddeeyay in uu diyaaru yahay toosinta talo bixinta iyo ku cadaynta wixii dhaliil ah ee ay Xukuumaddiisa ku arkaan,taas oo uu  ballan qaaday in uu u dhego nuglaan doono waxkasta oo dhaliil ah oo dhanka xukuumaddiisa laga sheego.

 

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay.

 

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Ilaahay ayaa keligii Mahad Leh.

Walaalayaal, Shacabkayga reer Somaliland.

Munaasibadda sannadka cusub ee 2025-ka awgeed, waxa aan halkan hanbalyo, duco iyo dardaaran-ba ugu soo gudbinayaa dhammaan shacabka reer Somaliland, gudaha iyo dibeda-ba, Shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dawliga ah, Ciidamada kala duwan ee Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtoodaba.

Waxa aan idin leeyahay Ilaahay ha inooga dhigo sannadka 2025 mid inoo sida barwaaqo , horumar iyo guulo waaweyn oo uu gaadho Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland .

Walaalayaal, Ummaddeyda Somaliland.

Daruufaha adag ee inna hor yaalla xag amni, xag dhaqaale iyo xaga bulsho-ba waxa aynu kaga gudbi karnaa wadajir iyo innaga oo gacamaha is qabsanna Taasi ayaynu ku gaadhi karnaa guul, cadowgeenana kaga lib keeni karnaa.

Walaalayaal, Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxaa saldhig u ah WADAJIR iyo WAXQABAD iyo in aanu si buuxda ugu adeegno shacabka Somaliland ee kalsoonida nagu soo doortay, dhegahayga iyo qalbiyadayduba way idiin furan yahiin.

Waad nala xisaabtami kartaan na toosin kartaan, nagu dhaliili kartaan wixii qalooc idinku muuqda, taas oo anaan idinku qaadi doonin cunfi, colaad, caga jugleyn, iyo xifaaltan siyaasadeed midna.

Walaalayaal, waxa aan idinku bogaadinayaa dedaalkiinna iyo doorka aad ku leedihiin dhismaha Qaranka, horumarka bulshada iyo ilaalinta nabadda. Waxa aan idinku dhiiri gelinayaa in aad kor u qaaddaan midnimada dhexdiina kuna tartantaan iskaashi iyo hormar , isla markaana aad ilaashataan jiritaanka Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland.

Jamhuuriyada Somaliland, sidii caadada u aheyd waxa ay Dalalka Dariska iyo Bulshada Caalamka kula dhaqmaysaa is-tixgalin, is-kaashi iyo wada noolasho ay nabadi saldhig u tahay .

Ugu danbeyntii, bulshadeyda reer Somaliland waxaan kula dar-daaramayaa munaasibadda sannadka cusub awgeed in aad ilaalisaan amniga, isla markaana aad dhawrtaan akhlaaqiyaadka suuban ee diinteenu ina fareyso.

Somaliland ha guuleysato, Somaliland ha noolaato.”