Wariirka Ganacsiga iyo Masuuliyiin uu Hoggaaminayo oo Safar Shaqo ku Tagay Barbara

0
42

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Barbara (Dawan):-Wasiirka wasaarada ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan Nuux iyo agaasimaha guud ee wasaaradaas ayaa safar shaqo ku tEgay  xarunta gobolka Saaxil ee Barbara,waxaanay  booqdeen weftiga wasiirku hoggaaminayay  goobo kala duwan oo uu ka socdo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo sidoo kale laamaha kala duwan ee wasaadda ganacsigu shaqo wadaagta la tahay ee ku yaa magaalada Barbara.

Wasiirka ayaa markii uu gaadhay magaalada Barbara waxa uu booqday xarunta cashuuraha ka caagan ee loo yaqaan free zoonka, isagoo halkaas kulamo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda xarunta free zoonka iyo gudiyada ganacsatada ee ka hawlgala magaalada Barbara iyo sidoo kale ganacsata wax kala soo degta dakada Barbara.

Wasiir Cabdiraxmaan Nuur ayaa ka warbixiyey ujeedada safarkooda magaalada Barbara, waxaanu sheegay in socdaalkoodu daaranaa u kuurgalka goobaha ganacsi ee wasaarada khuseeya kuwas oo ay ka mid yihiin Dakada Barbara, haamaha shidaalka, xarunta ganacsiga  cashuuraha ka caagan ee loo yaqaan free zoonka.

Wasiirka ayaa booqday xarunta kaydka haamaha shidaalka waxana uu kulamo laqaatay shaqaalaha ka hawlgala kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay cabasho ka soo yeedhaysay, warbixin uu ka dhegaystay labada dhinaca ee shaqaalaha xarunta kaydka haamaha shidaalka iyo masuuliyiintooda.

Geesta kale waxa uu wasiirku booqday xarunta shaybaadhka shidaalka qaranka halkaasi oo uu indha indhayn ku sameeyey qaabka ay u socdaan hubinta Tayada shidaalka imanaya dalka, waxana wasiirku uu warbixin ka dhegaystay waaxaha qaabilsan hubinta Tayada shidaalka qaranka.

 

Gabagabadii waxaa kale oo uu kormeer ku soo maray xarunta shaybaadhka kala duwan ee cuntooyinka iyo daawada waxana uu indhihiisa ku soo arkay habka loo baadho Tayada dawada iyo cuntada si loo ogaado badqabkooda.