Wassiirka Amniga oo kulan la Qaatay Guddooomiyeyaasha Gobolada

0
44

Qore: Faysal Xiis Afgaab

 

Hargeysa(Dawan:-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland  mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan la qaatay Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka, kulankas ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo dardargelinta shaqada muhiim ka ah ee ay Qaranka u hayaan.

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Amniga Gudaha  Somaliland, waxaanu Wasiirku kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha Gobolada adkaynta, xoojinta Nabadgelyada guud ee Gobolada Dalka iyo in la dardargeliyo laamaha kala duwan ee Amniga, kuwaas ka hawl gala Gobolada kala duwan ee Dalka.