Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadlay Xakamaynta iyo ka Hortagga Caabuqyada Faafa

0
92

 

Khadar.M.Dhako.

 

 

Hargeysa( Dawan):-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland   Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ka hadlay xakamaynta iyo ka hortagga caabuqyada faafa.

 

Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay inay muhiim tahay dunida oo dhan ka  hortagga iyo xakamaynta Caabuqyada Faafa

Dr. Xergeeye ayaa sidan ka sheegay  xidhitaanka kulan lagaga hadlayay ka hortaga iyo xakamaynta Caabuqyada Faafa oo  ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka  iyo hay,addaha la shaqeeya.Waxaanu yidhi”Marka laga hadlayo maaraynta iyo ka hortagga Caabuqyada ama Infagshanka waa arrin aad iyo aad u muhiim ah dunida oo dhan,xarun marka la dhisayo ama la nashqadaynayo  waa in ay ku habboon tahay dhinaca loo jeedinayo.waana in la eego  dabayshu dhinaca ay ka imanayso iyo qoraxda haddii laga faa,iidaysanayo.maaha in la badbaadiyo oo kaliya dadka infagshanka ka dhex qaadaya xarunta Caafimaad  dhexdeeda xil ayaa innaga saaran.oo inaynu si weyn uga hawlgalno sidii  xarumaheena Caafimaadka looga fulin lahaa.waxaanay  muhiimad u leedahay  dhaqaalaha dalka,waana in Cisbitaaladu yeeshaan meeshii dhakhtarku ku faraxalan lahaa marka uu qof eego,”.