Ciidamada Kuuriyada Waqooyi intee kaga dhintay dagaalka Ukraine?

0
73

Askari ka tirsan ciidamada Kuuriyada Waqooyi oo ay qabteen ciidamada Ukraine isaga oo dhaawac ah ayaa dhintay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Yonhap, iyada oo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay sirdoonka Kuuriyada Koonfureed.

Askarigan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maxbuuskii ugu horreeyay ee Waqooyiga Kuuriya ee lagu qabto dagaalka tan iyo markii Pyongyang ay geysay ciidamo si ay u taageeraan dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Dhanka kale, Aqalka Cad ayaa sheegay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay la kulmayaan khasaare ballaadhan, wuxuuna sheegay in 1,000 ka mid ah ciidamadooda lagu dilay ama lagu dhaawacay todobaadkii la soo dhaafay gobolka Kursk ee Ruushka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa u dirtay in ka badan 10,000 oo askari si ay u caawiyaan Ruushka, sida ay sheegeen Kyiv iyo Seoul – inkastoo Moscow iyo Pyongyang aysan xaqiijin joogitaankooda ama beenin.

Afhayeenka Aqalka Cad John Kirby ayaa soo jeediyay in hogaamiyayaasha militariga Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay ula dhaqmaan ciidamada kuwa aan muhiimad lahayn ama laga kaaftoomi karo dhimashadooda.

“Waxaa lagu amray inay fuliyaan weerarada rajada la’aanta ah ee ka dhanka ah difaaca Ukraine  iyo in ay ilaaliyaan xuduudo aanay garanayn”, ayuu yidhi.

Adeegga sirdoonka qaranka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay ku xaqiijiyeen “hay’ad sirdoon oo xulafo ah” in askariga Kuuriyada Waqooyi ee la qabtay uu u dhintay “dhaawacyo halis ah”, ayuu yidhi Yonhap.

Hay’adda sirdoonka ayaa goor sii horeysay xaqiijisay in ciidamada Ukraine ay qabteen askariga kadib sawir la sheegay in ninkaasi uu ku dhex wareegayay Telegram.

“Dadka reer Ukraine, waxaa u faa’iido badan in la qabto ciidamadan Waqooyiga Kuuriya waayo waxay ku bedelan lahaayeen maxaabiista Ukarine ee Ruushku hayo.”

Sawiradii u dambeeyay ee ka soo baxay dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa xaqiijiyay  in Ciidamo kale oo Waqooyiga Kuuriya ah oo tiro badan loo soo diri doono dagaalka Ukraine”, ayuu yidhi Mr Yang.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in askarta Kuuriyada Waqooyi la siiyay aqoonsiyo Ruush ah oo been abuur ah, halka madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu todobaadkii hore soo bandhigay muuqaalo uu sheegay inay muujinayaan ciidamada Ruushka oo gubaya wajiyada Kuuriyada Waqooyi ee la dilay si ay u qariyaan aqoonsigooda.

Sirdoonka Ukraine iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah ciidamada la geeyay Ruushka ay yihiin kuwa ugu wanaagsan Pyongyang, kuwaas oo laga soo qaatay kooxda 11-aad ee loo yaqaan Storm Corps. Unuggu waxa ay u tababaran yihiin soo dhexgelinta, burburinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dilalka qorsheysan.

In ka badan 3,000 oo ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaal ka socda gobolka Kursk ee Ruushka, ayuu yiri Zelensky Isniintii.

Waxa uu intaa ku daray in iskaashiga ka dhexeeya Moscow iyo Pyongyang uu sare u qaaday “khatarta xasilloonida” ee jasiiradda Kuuriya.