Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan.
Gabilay (Dawan)Maktabahada Qaranka Gabiay iyo Jabuuti,ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi oo ay wada yeeshaan.
Heshiiska iskaashi ee dhex maray Maktabadda Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Maktabadda Qaranka Somaliland ee Gabiley oo masuuliyiin ka socota labada maktabadood ay kala saxeexdeen ayaa ku sahabsanaaa heshiis iskaashi iyo wada shaqayn dhexa marta Maktabadda Jabuuti iyo Gabiley
heshiiskaas oo qodabadiisa ugu muhiimsan ay ka mid ahaayeen in ay iska kaashadaan: khibrad-wadaag iyo hannnanka loo maamulo Maktabaddaha sida buugaagta, xoojinta iyo kor u qaadista xirfada shaqaalaha ka shaqeeya Maktabadda iyadoo la siinayo tababarro iyo aqoon is waydaarsiyo dhiirri gelinta is dhaafsiga dhaqanka iyo faafinta dhaqanka iyo suugaanta labada waddan.
sidoo kale waxa Library-ga Jabuuti iyo Maktabadda Gabiley isla meel dhigeen in ay si wada jir ah u qabtaan arrimaha dhaqanka sida bandhigayda, shirarka, iyo munaasibadaha ku saabsan dhaqanka in ay is waydaarsadaan daabacadaha muhiimka ah,
heshiiska dhex maraya labada maktabadood waxa uu socon doonaa muddo laba sano ah iyadoo la cusbanaysiin karo haddii loo baahdo. heshiiska waxa qallinka ku duugay. madaxa maxaadka Library qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Cilmi Maxamed Faarax iyo Mustafe Muxumed Xasan oo ah agaasimaha maktabadda qaranka ee Gabiley. Heshiiskaas waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee wakaaladda horumarinta Dhaqanka Jabuuti Mudane Maxamed Xuseem Ducaale oo ay hoos timaado Maktabadda Qaranka Jabuuti.