LA MAQAL, LAMASE FILAYN, LOOMANA FADHIYIN!

0
39

Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waa dal ammaan ah, looga bartay sugidda nabad-gelyada xudduudihiisa oo awoodda ugu badan ee dhaqaale iyo shaqo ba geliya nabad-gelyada iyo bad-qabka gudaha iyo soohdimaha Bad iyo Beri.

 

Ilaalinta nabad-gelyadu kuma koobna oo keliya Dawladda ee waa arrin dhaqan ahaan Bulshada shacabka ah looga bartay inay kala qayb-qaataan oo ay kala shaqeeyaan laamaha amniga, taasoo leh taariikh soo jireen ah, ku dhisan tahay siyaasadda Qaran ee nabad-gelyadu, ahmiyad weyn u leh horumarka dalka, kula tacaamisho wadamada deriska iyo dunida kale, waana sumad weyn oo Qarankani leeyahay oo aan si sahal looga baabi’in karin.

 

Sidoo kale, Jamhuuriyadda Somaliland dawlad ahaan iyo Qaran ahaanba loogama baran inay faro-gelin ku samayso siyaasaddaha iyo arrimaha kale ee Dalalka deriskeeda, isla markaana 34 sannadood oo ay dib ula soo noqotay xornimadeeda ma jiro hal Kiis ama ka badan oo laga diwaangeliyey xuduuddaha ay la leedahay wadamada dariska oo ay xukuumaddu ka talaabisay falal amni-darro oo ay dal kale ku waxyeellanayso. Tani waa taariikh la hubo, xaqiiqo biyo kama dhibcaan iyo astaan lagu yaqaan Jamhuuriyadda Somaliland oo aan waliba ku xidhnayn wakhti, siyaasad xisbi amma kala wareeg Doorasho.

 

Qodob kale, Somaliland kama dhisna ururro hubaysan, koox jabhad ah ama dhaqdhaqaaqyo kale oo dagaal kula jira cid gaar ah, siyaasad gaar ah ama isir-bulsheed khaas ah, manay dhicin mana dhici karto inay dawladdu ogolaanshiyo siiso kooxo noocaas ah, iyadoo aanay haba yaraatee jirin shuruuc iyo mabaadi’ fasaxaya kala qaybin, qoqob qabyaalladeed iyo in lala dagaalamo qalfoofyo siyaasaddeed oo hore. waxaanay dadka Somaliland markii ay dawladnimadooda la soo noqdeen kaddib heshiis ka gaadheen qardoofooyinkii iyo colaadihii dhex maray xilligii uu Taliskii Siyaad Barre xukumayey Jamhuuriyaddii Somaali ( Somaliland iyo Soomaaliya), kaasoo cimri-taliskiisii isku diray qabaa’il walaalo ah oo wada degen Somaliland si uu cadaaddis u saaro deegaamo gaar ah oo uu u arkayey inay mucaarid ku ahaayeen nidaamkiisa. Guud ahaan utumihii ka dhashay isku-dirkii qabiillada Somaliland wada dega, waxa cafis iyo saamaxaad lagu kala qaatay shirarkii dib u heshiisiineed ee ka dhacay Haye, Sheikh, Burco, Berbera iyo Boorama, waxaanay caddaymahaasi ku duugan yihiin Kaydadka sooyaalka, haddaan arrimahaas heshiis laga gaadhina Somaliland ma dhisanteen, lagumana wada noolaadeen magaalooyinka iyo gobollada Dalka.

 

Sidaas oo ay tahay , waxa ayaan-darro ah oo af-kala-qaad iyo amaak lagu tilmaami karaa, hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar dabayaaqadii todobaadkii hore, kaasoo si ka baxsan anshaxa masuuliyadda, kana meeqaam hooseysa weedh madaxweyne ugu duray Qaranka Somaliland tuhunno iyo raadcayn la xidhiidha dagaalladii ka dhacay deegaanka Dacawaley ee ka tirsan dhulka uu maamulo.

 

Hadalka Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ahaa la maqal lamase filaan ahaa, waxa uu tashuush iyo ceeryaan ku furay xidhiidhka siyaasaddeed, walaalnimo iyo dan-wadaaggeed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dalka Itoobiya, kaasoo wanaaggiisa iyo samaantiisaba uu iftiinsado maamulka jigjiga.

 

Masuulkan oo weedhaha ka soo yeedhay ay taabanayeen qodobada aynu kor kaga soo hadalnay biyo-dhaca warkiisuna ahaa in qalfoofkii Siyaad Barre wali dagaal lagula jiro oo ay abuurayihiin kooxo abaabulan oo keligii-taliyaha marxuumka ah ifka kula dagaalamaa, arrimaha xad-gudubka ah ee uu ku soo weeraray Somaliland waxa kamida inuu sheegay inay tuhunsan yihiin in Ciidan iyo Hub Somaliland ka baxay loogu gurmaday dadkii shacabka ahaa ee ay Ciidanka Liyuu Booliska maamulkiisa ka amar qaataa ku laayeen Dacawaley.  Waa la yaabe arrintaasi ma jirtaa mise ma jirto haddii laysa su’aalo waa amuur ka dhigan hal-ku-dhiga soomaaliyeed yidhaahda “Findhicilku ma Xalaalbaa mise waa xaraan iyo soo hadal qaadkiisa ayaaba xaaraan ah!

 

Waxaan sidaas u leenahay, waa isweydiin micno darro ah, waayo? Somaliland loogama baran mana aha dhaqankeeda dawladnimo inay askar iyo saanad lagu waxyeelaynayo dal kale u tahriibiso ama toos ugu dhoofiso. Waddanka Itoobiya oo kamida deriska xuduudaha ugu dheer lehna waxay siyaasadda Somaliland u taaqaanaa inay isku naf yihiin shucuubta iyo Qaramada ka dhisan labada dal, manay dhicin inay Hargeysa hadaf iyo hub toona ku taageerto jabhadaha ka jira gudaha dalkaasi, iyadoo sidaas tahay macquul maaha in lagu xidhiidhiyo farogelin Hiil ah oo ay ku samaysay laba Soomaali ah oo birta iska aslaya ama dhimashadooda inay dhinac gacan ku siiso, iyadoo kari karta inay kala badbaadiso intii xadkeeda ah.

 

Dhacdadan u dambeysay ee Dacawaleyna haddii tuhunkaasi dhab yahay waxa gudaha Somaliland lagu layn lahaa Maxaabiistii ay shacabka Dacawaley soo qabsadeen oo markii xadka lagala soo talaabay ay badbaadintooda khasaare ka soo gaadhay Ciidanka Qaranka, kuwaasoo ay qaarkood dhaawacii soo gaadhayna ka daweysay.

 

Arrinta kale ee uu Mustafe Cagjar sida deelqaafka ah ugu dul rabaasay waxa kamida inuu dawladda Somaliland ku tilmaamay in aanay fahamsanayn meesha ay wax ka dhaceen inay tahay meel juquraafi ahaan dal kale ah, taasoo ah eeddeyn iyo ihaano gef ku ah qaran diblomaasiyad ahaan heer sare ka gaadhay isagoon metelaad rasmi ah ku lahayn goleyaasha Caalamka ama aan haysan Ictiraaf caalami ah, Waxaanu hilmaamsan yahay inay xukuumadda talada haysaa ee Somaliland xiisada oo bilow ah Xafiiskiisa iyo laamaha dawladdiisaba gaadhsiisay xog iyo talo wixii kaga aaddanaa, maadaama ay dadka reer Dacawaley yihiin bulsho labada Dal degen oo ay dhibaatadooda iyo khasaaraha ay geystaan ba u soo talaabi karo, waana khalad in isagoon taas ka dareen la’ayn uu haddana fagaare kaga dhaleeceeyo Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, si kastaba ha uga jeedo dooddiisa ee jawaabta eeddeyntiisa oo ka miisaan culus wax af qudha fagaare lagaga fal-celin karo, kana dhigan La maqal, lamase filayn, loomana fadhiyaan ah, waxaan u daynaynaa xukuumadda, waxaanse xaqiijinaynaa in aanay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland wax  faro-gelin ah iyo taageerid toona ku lahayn masiibadii le’ashada nafeed keentay ee ka dhacday deegaaanka Dacawaley, in lagu masabidaana ay u muuqanayso khiddad gabood iyo dambi ka baxsi loogu raadinayo cidii fal-dambiyeed ku gashay halkaasi haddaanay Xafiiskiisaba ahayn, mase sahlanaanayso in xaqiiqada baaxadda weyn xeelad lagu dambabeso.