“Dadka Shiinuhu aad ayay u dhibban yihiin,” ayaa lagu yidhi qoraal la soo dhigay baraha bulshada, qoraalkani waxa uu fal celis u yahay dil wadareed ka dhacay dalkaas sanadkan dhamaaday ee 2024. Isticmaale isku mid ah ayaa sidoo kale isna soo dhigay qoraalkan: “Waxaa jiri doona weeraro badan oo dadku samayn doonaan iyaga oo tixraacaya waxa dhacay.”
Isticmaale kale ayaa yidhi “Masiibadani waxay ka tarjumaysaa mugdiga bulshada dhexdeeda,”.
Qiimaynta waa dhacdooyin badan oo dhimasho ah oo ka dhacay Shiinaha intii lagu jiray 2024, waxa dadku is weydiinayaan waxa horseedaya in dadku is dilaan oo ay ka aargutaan bulshadooda” .
Weerarada noocan oo kale ah ayaa weli ah naadir marka loo eego dadka Shiinaha ee tirada badan, mana aha kuwo cusub, ayuu yidhi David Schak, oo borofisar ku ah jaamacadda Griffith ee Australia. Laakiin waxay u muuqdaan inay ku yimaadaan mowjado, inta badan waxaad moodaa in dadka cadhaysani iskaga dayanayaan falka”.
Sannadkan si gaar ah ayuu u dhib badnaa. Laga soo bilaabo 2019 ilaa 2023, booliisku waxay diiwaangeliyeen saddex ilaa shan kiis sannad kasta, halkaas oo dembiilayaasha ay weeraraan dadka lugaynaya ama shisheeyaha.
Sanadkii 2024, tiradaasi waxay u soo booddo 19. Sanadkii 2019, saddex qof ayaa lagu dilay 28 kalena waa lagu dhaawacay shilalkan oo kale; 2023, 16 ayaa ku dhintay 40 kalena way dhaawacmeen, 2024-kii, 63 qof ayaa la dilay, 166 kalena waa la dhaawacay. Nofeembar si gaar ah ayuu dhiig u daatay.
11-kii bishaas, nin 62 jir ah ayaa baabuur jidhsiiyey dad ku jimicsanayay bannaanka garoonka ciyaaraha ee magaalada Zhuhai, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan 35. Booliska ayaa sheegay in darawalkaasi uu ka cadhaysnaa arrimo dhinaca bulshada ah siiba go’aanka furriinka. Todobaadkii ku xigay ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.
Maalmo ka dib, magaalada Changde, nin ayaa baabuur jiidhsiiyey carruur iyo waalidiin bannaanka dugsiga hoose, isaga oo dhaawacay 30 ka mid ah. Maamulka ayaa sheegay inuu ka cadhooday khasaare dhaqaale iyo dhibaatooyin qoys.
Isla todobaadkan, 21 jir aan qalin jebin kari waayey ka dib markii uu ku dhacay imtixaankii, ayaa weerar tooreey ah ku qaaday xaruntiisa oo ku taal magaalada Wuxi, halkaas oo uu ku dilay sideed iyo 17 dhaawac ah.
Bishii Sebtembar, nin 37 jir ah ayaa toori la dhex qaaday goob laga dukaameysto oo Shanghai ah . Bishii Juun, afar macalin oo Maraykan ah ayaa lagu weeraray beer lagu nasto, waxaana weeraray nin 55 jir ah oo mindi sita. Waxaana jiray laba weerar oo kala duwan oo lagu qaaday muwaadiniinta Japan, oo uu ku jiro mid wiil 10 jir ah lagu tooriyeeyay bannaanka dugsigiisa.
Dembiilayaasha ayaa si weyn u bartilmaameedsaday dad si aan kala sooc lahayn” si ay u muujiyaan inay ka xun yihiin bulshada, ayuu yidhi Prof Schak.
Waddan leh awood ilaalineed oo ballaadhan, halkaas oo haweenka ay dhif tahay inay keligood socdaan habeenkii, dilalkan ayaa dhaliyay dareen la’aan la fahmi karo.
Haddaba maxaa keenay weeraro dad badan oo Shiinaha sanadkan ka dhacay?
Isha ugu weyn ee cadaadiska Shiinaha hadda waa dhaqaalaha oo gaabis ah. Waxa aan qarsoonayn in dalka uu la daalaa dhacayay shaqo la’aan baahsan oo haysata dhalinyaradda, deymo badan iyo dhibaato hanti ma guurto ah oo ay ka baaba’day nolosha qoysas badan, mararka qaarna aanay jirin wax ay ku farxaan.
Duleedka magaalooyinka waaweyn intooda badan waxaa ku yaal dhammaan dhismayaal guryeyn ah oo dhismuhu joogsaday sababta oo ah kuwa daymaha leh ma awoodaan inay dhamaystiraan. Sannadkii 2022, BBC-da ayaa wareysatay dadka ku xaraysan qalfoofka shubka ah ee guryahoodii aan la dhammaystir , iyaga oo aan haysan biyo, koronto iyo daaqado sababtoo ah ma haysan meel kale oo ay degaan.
Daraasaduhu waxay u muuqdaan inay tilmaamayaan isbeddel weyn oo ku yimid dabeecadaha, iyada oo la qiyaasi karo korodhka rajo-xumada dadka Shiinaha ee ku saabsan rajada shakhsi ahaaneed.
Arrinta kale ee dadka Shiinaha cadaadiska ku haysaa waa doorasho la’aanta. Wadanka hogaamiya hal xisbi. Markii hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping uu ka hadlay weerarka Zhuhai, waxa uu u muuqday in uu garwaaqsaday in cadaadisku uu ku soo jiro bulshada waxaana uu ku booriyay mas’uuliyiinta dalka oo dhan in ay “duruus adag ka bartaan dhacdada, wax ka qabashada khataraha xididadooda, xalliyaan khilaafaadka iyo khilaafaadka xilli hore oo ay qaadaan tillaabooyin firfircoon oo looga hortagayo dembiyada ba’an”.
Laakiin, illaa hadda, casharradii la bartay waxay u muuqdaan inay horseedin jawaab degdegga ah iyada oo la adeegsanayo ilaalin weyn, waxa aad u haboonaan lahayd isbeddel lagu sameeyo habka Shiinaha loo maamulo.