Gabadh yar iyo aabaheed ayaa oo ka talaabayay goob biriish ah oo halis badan, ayuu Aabahu ka baqday in gabadhiisa yari ay ka dhacdo biriishka cidhiidhiga ah. Markaasi ayuu ku yidhi inantiisa yar “ Aabo qabso gacantayda si adag si aanad ugu dhicin webiga”. Gabadhii yarayd ayaa ugu jawaabtay Aabo maya, adigu qabo gacantayda”.
Aabaha ayaa si yaab leh u eegay inantiisa yar oo ku yidhi “ Oo maxaa farqiya ee u dhexeeya “?. Si degdeg ayay ugu jawaabtay “ Haa, haddii aan anigu qabsado waxa laga yaaba inaan u adkaysan waayo oo aan sii daayo, laakiin adigu marna ima sii daynaysid si kasta oo aad u dareento cidhiidhi” . Xikmaduna waa in gacantaad aad u dhiibto kuwo aad jeceshay. Waana waalidku inuu yahay mid u naxariis badan ubadkiisa, sidaasi ayaa adigana lagaa raaba inaad u naxariisto.