Magaalada Acciaroli oo ku taalla xeebta galbeed ee dalka Talyaniga ayay dadka ku nool sadex meelood oo ka mid ahi ay dhaafeen da’da 100 sano jir. Magaaladan ay la sheegay inay leedahay hawo nadiif ah iyo nolol raaxo leh.
Magaaladan aya dadka ku nool uu caafimaadkoodu aad u sareeyaa inkasta oo ay da’ yihiin. Daraasad koox culimo ahi ku samaysay magaaladan ayaa cadeeyay in cimriga dheer ee dadka ku nool magaaladan ay tahay iyadoo halkaasi ka baxdo geedaha rosemary, kuwaasi oo meel kasta oo magaalada ka baxa iyagoo dadka magaaladu u isticmaalaan inay cuntada ku darsadaan iyagoo ka dhiganaya saliid.
Geedkan ayay culimadu ku sheegtay inuu yahay mid kor u qaada shaqada iyo xusuusta maskaxda isla markaana ka hortago xanuunska asaasaqa ee ku dhaca dadka cimrigoodu dheeraado. Waxa kale oo ay sheegeen inay sabab u tahay in magaladan aanay ku oolin wax wershado ah, isla marakaana ay tahay mid dhir badan oo deegaankoodu ka fayow hawada wasakhysan ee caalamka horumarka ku faana asiibtay .