Somaliland iyo Switzerland oo ka Wadahadlay Iskaashi Maalgashiga

0
33

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale oo uu weheliyo agaasimaha guud ayaa kulan la yeeshay maalgashadayaal ka socday dalka Switzerland.

Aasaasaha ahna madaxa fulinta ee shirkadda Swiss Finance Property oo lagu magacaabo Michel Regorsek iyo hoggaanka wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqay in laysla sidii loo xoojin lahaa iskaashiga maalgashi ee u dhaxeeya Somaliland Switzerland.

Laba dhinac ayaa diiradda saaray dhiirigelinta maalgashiga Somaliland oo laga horumariyo suuqyada caalamka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha qaranka.

Laba masuul ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha waxay si weyn u sharaxeen fursadaha maalgashi ee Somaliland, iyaga oo ku booriyey maalgashadayaasha inay door muuqda ka qaataan horumarinta dalka.