Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Jamhuuuriyadda Somaliland mudane, ayaa shalay daahfuray shirweyne lagaga hadlayay qorshaha maamul wanaagga shanta sanno ee soo socda ee wasaaradda.
Shirkan oo soconaya laba maalimood ayey masuuliyiinta wasaaraddu kusoo bandhigeen waxyaabaha uu hirgelay sannadkii hore iyo qorshayaasha ay hiigsanayaa shanta sanno ee soo socda haddii alle idmo.
Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay dib u eegaya qorshaha ay wasaaraddu hiigsanayso shanto sanno ee soo socda iyo sidii laysku wafajin lahaa balanqaadka xukuumadda ee boqol cisho ee soo socda iyo qorshaha xisbiga xukuumiga ah ee waddani.
Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga ayaa sheegay in qorshe cad ay ka leeyihiin horumarinta adeegyada ay qaranka u qabtaan isaga oo ku dheeraday waxyaabihii u qabsoomay sannadkii tegay madaama uu yahay masuulka keliya ee ka jooga hoggaankii hore ee wasaaradda.
Shirkan laba cisho soconaaya ayey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda ganacsiga iyo dalxiisku diirada ku saarayan halka ay doonaya in ay gaadha waxaanu qayb ka yahay shirar dalka ugu waramay wasaaraddaha si laysku wafajiyo waxqabadka iyo balanqaadkii Madaxweynuhu kusoo bandhigay buuga xisbiga waddani