“Waxaa iga Go’an in aan Dhiso Dawladnimo Damaanad leh”

0
34

“Maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga, adkaynta midnimada iyo amniga qaranka ayaan muhiimada siinayaa”

Hargeysa- Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ay weheliyaan xubno ka mid ah xukuumadda wada-jir iyo wax-qabad ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo shahaadada xisbinimo lagu guddoonsiinayey saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, waddani iyo Kaah.

Madaxweynaha ayaa munaasibada ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan oo taabanaysa dhinacyo badan, waxaana uu ugu horayn boggaadiyey Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka shaqada culus iyo dedaalka weyn ee ay sidii uu u guulaysan lahaa hannaanka sharciga ah ee ay kusoo baxayeen ururadii siyaasada ee xaqqa u yeeshay inay tartamaan, awoodda dimuqraadiyada qarankeena, iyo kalsoonida aan ku qabno horusocodka nidaamkeena siyaasiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay go’an tahay dawladnimo dhammaystiran.

“Waxaa Xukuumada Somaliland ka go’an in aan dhisno dawladnimo damaanad qaadaysa in muwaadin kasta uu helo xuquuqdiisa siyaasiga ah, si taasi u hirgashana waxaanu dejinaynaa siyaasadiyihii lagu arrimaha”.

Madaxweynuhu waxa kale oo u uku dheeraday arrimaha ay xukuumaddiisu muhiimada gaarka siinayso waxana uu yidhi“Dimuqraadiyadu kuma koobna doorashooyinka oo keliya laakiin waxaa kamida Cadaaladda iyo garsoor wanaaga, dhawrista xorriyadaha madaniga ah, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga, xasiloonida siyaasiga ah, adkaynta midnimada iyo amniga qaranka, kuwaas oo dhammaantood ay xukuumadani muhiimad gaar ah siinayso”.