Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargeysa (Dawan)- Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa kormeeray Ceel biyood laga qoday degmada Daarasalaam, kaasi oo noqonaya Ceelkii labadaad ee la fuliyo inta xukuumadda cusubi talada haysay.
Weftiga Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa qayb ka ahaa wasiirka wasaaradaha Kheyraadka Biyaha, Duulista Hawada, Maareeyaha wakaallada Biyaha Hargaysa iyo masuuliyiin kale.
Goobta laga qoday Ceel biyoodkan ayaa waxa ku deeqay si tabarucaadka isaga oo ay beertiisii tahay Muwaasid Cismaan, kaasi oo ugu talogalay in bulshada Hargaysi ay biyo ku filan oo nadiif ah hesho.
Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw-cabdi oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay muwaadinka beertiisa ugu deeqay in looga faa’iideeyo bulshada, waxaanu sheegay in ka dawlad ahaan ay xooga saari doonaa sidii deegankani ay u heli lahaayeen jid loo maro waxaanu yidhi
“ ILLAAHAY baa ii qadaray maanta in wixii u horeeyay ee aan u soo baxo ay noqdaan Biyo, ILLAAHAY waxaan ka baryayaa inuu barakeeyo biyahaasi, waxa kale oo aan soo dhawaynayaan Maareeyaha, wasiiradda.
Sidoo kale waxaan u sheegayaa dadka deegaanka iyo salaadiinta xoog baanu saari doonaa ka dawlad ahaan wadadaasi inay dhisanto, waa muhiim waanu aragnay imika inta aanu soo soconay, haddii ay dhisan tahay in yar ayuun baanu soo socon lahayn, wadooyinkuna waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha bulshadu u baahan tahay ee horumarka ka qayb qaata”.
Dhinaca kale madaxwayne ku xigeenka Somaaliland ayaa sidoo kale soo jeediyay in ceel biyoodkani loo sameeyo goob ay ka cabaan bulshada., xayawaanka iyo Duur-joogta ku nool deegaanka si ay biyuhu u barakoobaan waxaanu yidhi
“Cismaan waxaan leeyahay biyahaasi sida ay Bani’aadamku ugu baahan yihiin ayaa Xayawaanka halkan jooga iyo Duur joogtuna ugu baahan tahay, waanan kaala qayb qaadaniye meelo yar yar oo ay Duur- joogta iyo Xooluhu ka cabaana aynu ku darno Maareeye Ceel kasta oo la qodo, waayo Xayawaankii iyo Bani’aadamkii ku noolaa haddii ay biyii ka baahan yihiin, biyihiina la qaado oo meel kale la geeyo barakada ayaa ku yaraanaysa aynu ku dedaalno inay cabaan Duur-joogta iyo Xayawaanka meesha jooga”.
Gebo’gabadii Maareeyaha wakaallada Biyaha Hargaysa ayaa faahfaahin ka bixiyay Ceel biyoodkan ay ka hirgaliyeen degmada Daarasalaam waxaanu xusay in uu yahay Ceelkii labaad ee inta xukuumadani tallada haysay la hirgaliyo, waxaanu intaasi ku daray in ay fulinayaan ilaa lix Ceel biyood oo kale kuwaasi oo qayb ka ah in Hargaysa ay hesho biyo ku filan.