Ciidanka Booliska JSL oo Gacanta Ku Soo Dhigay Eedaysaneyaal Gabiley Askari ku Dilay

0
17

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Ciidamada Booliska JSL ee Gobolka Awdal iyo Gabilay oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Saddex eedaysane oo ku eedaysan inay 8-da Bisha 2025, magaalada Gabilay ku dileen Marxuum A/le Buux Mawliid Ismaaciil.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan oo lagu faahfaahinayo soo qabashada eedaysanayaashaasi ayaa u dhignaa sida tan:-

Ciidamada Booliska JSL ee Gobolka Awdal iyo Gabilay oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Saddex eedaysane oo ku eedaysan inay 8-da Bisha 2025, magaalada Gabilay ku dileen Marxuum A/le Buux Mawliid Ismaaciil

Hawlgallo iyo dadaal xooggan oo ay sameeyeen Ciidanku, waxaa lagu soo qabtay dhammaan eedaysanayaashii degaanka Cali Xaydh ee G. Awdal , dhammaantood eedaysanayaasha waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka.

Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa tacsi u diray ehelka, qaraabada, iyo dhammaan Ciidanka Booliska JSL oo uu ku tirsanaa marxuumku.