Madaxwayne ku xigeenka JSL oo la dardaarmay golaha degaanka Hargeysa
Qore: Cabdiwahab Dahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo ka qaybgalay Xaflada Bandhiga Waxqabadka iyo Xisaab xidhka Dawladda Hoose ee Hargaysa saddexdii sanno ee u danbaysay (2022-2024) ayaa masulliyiinta golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa kula dardaarmay inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimadooda, sidoo kalena uga digay tafaraafuqa iyo muranka dhexdooda ah waxaanu yidhi
“Waxan dawladda hoose ee Hargaysa kula dardaarmayaa wadajir wax ku qabta tafaraaruq waxba ku qaban maysaan, xisbiyo ka soo baxa laakiin ma tihiin siyaasiyiin ee ummada ayaad u shaqaysaan taasi ogaada”.
Sidoo kale madaxwaynu ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa tilmaamay in ka xukuumadda ahaan ay la xisaabtamayaan goleyaasha deegaanka dalka, iyada oo lagala xisabtami doono waajibaadka iyo masuuliyada ay bulshada u hayaan waxaanu yidhi
“Gole deegaan baa tihiine waa la idinla xisaabtami, oo walaahi baan leeyahay waanu idinla xisaabtamaynaa, haddii aydaan ummada waxooda wax ku qabanin waa la idin la xisaabtamayaa, xisaab dhab ah ayaa iman doontaa cidii wax qabatayna waanu ku boorinaynaa waanan ku ammaanaynaa, cida ay wax ka dhiman yihiina ha kordhiso ayaanu leenahay”.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sidoo kale dawladda hoose ee Hargaysa ku amaanay waxqabadka muuqda ee u hirgalay caasimadda Hargaysa waxaanu yidhi
“Waxaan hambalyeynayaa Dawladda Hoose ee Hargaysa oo maanta muujisay waxqabadkii ay bulshadooda u qabteen, waxaana leeyahay dawladaha hoose ee dalka waa inaad bulshadiina u soo bandhigtaan waxaad u qabateen”.